Somaliland: Dooni Alaab U Dhiganta $ 5 Millon U Sidday Ganacsato Reer Somaliland Oo Ku Degtay Duleedka Dekedda Berbera

Date:

Dooni Alaabooyin kala duwan u sidday Ganacsatada Somaliland ayaa ku degtay meel boqol iyo dhowr Mayl u jirta Dekedda Magaalada Berbera, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu.

Doontan oo ka soo shiraaqatay Magaalada Dubai ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa degtay markay dabaylo ku kaceen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dooni sidday Xoolo Faro badan oo laga leeyahay Somaliland oo laga soo rarray Dubai ayaa degtay, Doontaasi siday u dhamayd waxay u rarnayd Ganacsatada Somaliland.”

Jamaal Caydiid wuxuu sheegay oo kale “81 Qof oo Shirkado ama Ashkhaas ayay u rarnayd Doontu, qiimaynta xoolahaa ma hayno, laakiin waxa lagu qiyaasi karaa Shan Milyan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxay degtay iyadoo Berbera ku soo dhaw, sida la sheegayna dabaylo ayaa ku kacay, wayna awoodi wayday inay socoto.”

Alaabta ay sidday ayaa u badnaa Qalabka dhismaha iyo Baabuur “Alaabta ay sidday waxa ka mid ah Baabuur, Qalabka dhismaha, Xadiid, Sibidh, Loox, Isbeer-baadhka Baabuurta..”ayuu yidhi.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...