Somaliland: Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada Oo Ku Gacan-Saydhay Qorshahe Ay Ula Tageen Xisbiyadda KULMIYE Iyo UCID

Date:

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la sheegay in uu ku gacan-saydhay qorshe ay ula tageen xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo maalmihii u dambeeyay waday dadaallo wada jir ah oo ay dabada kaga riixayaan qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada ee dhammaadka sanadkan oo warwar weyn laga qabo in ay wakhtigoodii ku qabsoomaan.

Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa Axaddii kulan la qaatay shir-guddoonka Golaha Wakiillada kaas oo nuxurkiisu ahaa sidii Goluhu u dardar gelin lahaa ansixinta xeerarka khuseeya doorashooyinka ee hor yaalla. Waxa kulankaasi ka horeeyay kulamo labada xisbi la yeesheen Komishanka oo ku aaddana qodobo ay labada xisbi ku heshiiyeen.

Ma Jiro war rasmi ah oo ay labada dhinac ka soo saareen waxa ka soo baxay kulankii Axaddii laakiin, warar xogogaal ah oo wargeyska Waaberi ka helay kulanka ayaa sheegaya in Shir-guddoonka Wakiilladu u sheegay masuuliyiinta ka socday Kulmiye iyo UCID in xeerarka doorashada khuseeya ee Golaha hor yaalla u xanniban yihiin xal u helidda Saami Qaybsiga kuraasta wakiillada. Shir-guddoonka ayaa la sheegay in ay labada xisbi u sheegeen in marka hore xal laga gaadho saami qaybsiga kuraasta wakiillada oo ah caqabad weyn oo doorashada hor taalla.

Geesta kale waxa la sheegay in kulamo ay labada xisbi la qaateen Komishanka doorashooyinka loogu sheegay in aanay xukuumadda iyo Beesha Caalamku bixin dhaqaalihii looga baahna ee doorashada iyo abaabulkeeda ku baxayay.

Dadka siyaasadda Odorosa ayaa u arka in dadaallada Kulmiye iyo UCID iskood u bilaabeen yihiin culays weyn oo xukuumadda kaga yimid dalalka doorashooyinka ka taageera Somaliland oo madaxweynaha u muujiyay digniin weyn oo ah in ay faraha kala baxayaan Somaliland haddii doorashadu dib u dhacdo.

Xisbiga WADDANI ayaa isagu ku eedeeyay labada xisbi in aanay marnaba ka hadal waxa laga yeelayo caqabadaha tirada badan ee hor yaalla doorashooyinka. Xisbiyada waxa kala irdheeyay khilaaf 13 bilood soo jiitamayay oo ubucdiisu tahay in la kala diro Komishanka iyada oo caqabada labaad tahay in xal loo helo saami qaybsiga kuraasta wakiillada.

Guddoomiyaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo ku xigeenkiisa 1-aad Axmed-yaasiin Sh Cali Ayaanle oo ka soo kala jeeda gobollada Awdal iyo Sool ayaa ka mid ah dadka sida weyn u danaynaya in la helo saami kuraasta wakiillada ah oo lagu wada qanacsan yahay. Gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ayaa ah kuwa tabashada ugu weyn ka qaba kuraasta wakiillada.

Ugu Dambeyn kulan hoggaanka xisbiga WADDANI yeeshay Axaddii ayaan laga soo saarin wax war ah laakiin, waxa la sheegay in kulanka uu hadheeyay werwer xisbigu ka qabo qaabka xukuumadda iyo labada xisbi u wadaan arrimaha doorashooyinka waxaana la filaya in maanta uu guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi saxaafadda u bandhigo mawqifka xisbiga ee arrimaha socday maalmihii u dambeeyay ee ku saabsan doorashooyinka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...