Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shir jaraa’id oo suxufiyiintu si furan su’aalo ugu waydiiyeen ku qabtay xafiiskiisa waxaanu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, dhibaatooyinka bulshada Sicir Bararka iyo hoos u dhaca doollarka, tacadiyada xukuumaddu ku hayso bulshada iyo arrimo kale.

Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu gaashaanka u daruuray dadaallada labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID ku doonayaan in ay qabtaan doorasho xisbiga WADDANI ka maqan yahay waxaanu wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay in uu dabada ka riixayo arrin halis ku ah ammaanka Somaliland iyo wada jirka Umadda.

“Waxa la yaab leh in ninka (Wasiirka arrimaha gudaha) leh doorasho laba xisbi ah baan Somaliland ka qabanaya ee qoriga dabka leh kula wareegaya ee maalin ba doonaya in uu meel ku dhejiya uu yahay wasiirkii ka masuulka ahaa amniga Qaranka. Arrintaasi sharcina maaha caqlina maaha sinabana ugama suuro geli karto Somaliland. Shacbigu waa yaabban yahay Beesha Caalamkuna way yaabban tahay. Waxaanu ka digayna arrintaas sii wadideeda. Waxa ka war qabtaan in labada xisbi Komishanka ku meeraysanayaan, in Komishankii madaxweynuhu u yeedhayaan, in ay baarlamaanka u tagayaan, arrintaasi waanu ka degayna waxaanu u aragna in ay tahay dab Somaliland lagu dhejinayo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in madaxweynuhu doortay in uu qayb ka mid ah bulshada madaxweyne u noqday “Waxa la yaab leh in Madaxweynihii aynu Qarankan u dooranay in uu hoggaamiyo oo dalka mideeyo uu ka door biday in uu bulshada qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo. Haddii madaxweynihii Qaranku in uu Qarankan madaxweyne u noqdo ka door biday in uu Kulmiye iyo UCID madaxweyne u noqdo dalka intiisa kale madaxweyne la’aan mayso. Haddii Madaxweynuhu ka door biday oo ay waajibkiisa ahayd in uu dalkan doorasho Qaran u qabto oo axsaabtu u siman tahay oo uu go’aansaday in uu Kulmiye iyo UCID doorasho u qabto inta kalena doorasho la’aan mayso,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro

Waxa kale oo uu farriin u diray bulshada Somaliland iyo Taageerayaasha xisbiga “Waxaan u sheegaya shacbiga iyo umadda reer Somaliland in haddii xukuumaddii iyo labadii xisbi yidhaahdeen shacbiga kala badh baanu ka tashanayna in aanay inta kalena talo la’aan doonin. Waxaan u sheegaya oo aan faraya dhammaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, haddii ay joogaan gobol, haddii ay joogaan degmo in aanay marnaba aqbalin diwaangelin iyo doorasho laba xisbi wataan, farriintaas ayaan gaadhsiinaya dhammaan taageerayaasha WADDANI,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro,