Warbaahinta Dalka Kenya Oo Si Weyn U Qaada Dhigtay Xafiis Dawladda Kenya Ka Furanayso Somaliland.

Date:

Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland.

Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin. Waxa uu sheegay in hirgelinta xafiiskan iyo magacaabista masuulkani ku timid kulamo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma la yeelatay wakiilka Somaliland ee Nairobi Baashe Cawil Cumar iyo wasiir Sacad Cali Shire. Waxa uu sheegay in ay hadda bixisay amarka lagu dhisayo xafiiska Kenya ee Hargeysa.

Wakiilka Somaliland ee Nairobi Amb Baashe ayaa wargeyska u sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh ilaa xilligii Gumaystaha “Xidhiidh dheer oo taariikhi ah ayaanu lahayn Kenya ilaa xilligii gumaystaha. Tallaabada Kenya u qaaday in ay Hargeysa Safaarad kaga furato waa mid si weyn kor ugu qaadaysa dhaqaalahayaga, horumarkayaga iyo Macaamilaadka bulshada,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe Cawil.

“Dadka tirada badan ee reer Kenya ee ku nool Somaliland waxay caddayn u tahay soo dhawayntayada wanaagsan,” ayuu yidhi Danjiraha oo intaasi raaciyay in xidhiidh ganacsi oo dhexmara Kenya iyo Somaliland kor u qaadayo heerka nolosha iyo dhaqalaha.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu dawladda Kenya ku boorriyay in ay shirkadda Kenya Airways duullimaadyo toos ah ka bilawdo Hargeysa iyo Nairobi taas oo sahlaysa isu socodka labada dal korna u qaadaysa in fursadaha labada dhinac laga wada faa’iidaysto.

Somaliland ayaa hore Nairobi ugu qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsi ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ganacsatada Kenya ka faa’iidaysato waxaana hore u jirtay danayn badan oo ka imanaysay gobolka qaadka Mirooga qaniga ku ah oo si weyn u danaynayay in uu suuq ka helo Somaliland.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...