Somaliland: “Dowlad Federaalku Waxay Ku Takri Fashay Awood Qaybsigii Dalka….” Madaxweynaha Puntland

Date:

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay Shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa dhaliil u jeediyay Xukuumadda ay gadhwadeenka ka yihiin madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu khudbadiis inteeda badnayd kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuu welweli weyn ka qabaan sida Soomaaliya loo maamulayo iyo halka uu ku socdo

”Khataraha ugu weyn ee Puntland dareemayso waxaa weeye nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay la gacan bidixaynayo oo wadadii loo baahnaa aanu ku socon, waxaa noo muuqata caqabad aan hadhow la xalin karin” ayuu yidhi madaxweyne Deni

Wuxuu sheegtay in xukuumada federaalka oo ku guuldaraysatay amnigii Muqdisho ay sidoo kale ilowday oo hilmaamtay dhibaatooyinkii kale ka jiray dalka oo aan dareensanayn baahiyaha ka jira maamul goboleedyada

”Waxaa kaloo soo baxay tubaha oo loogu talagay in caalamka loogu gudbiyo baahiya Soomaaliya qabto, Deeqihii markii yimaadaan meel ay ku baxaan la garan laayahay” ayuu yidhi Deni

Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay ku takri faleen habkii awoodqaybsiga dowladnimo ama beeleed, isagoo tusaale u soo qaatay guddoomiyihii bangiga dhexe ee federaalka oo uu sheegay in aqooyahanadii reer Puntland ee u tartamayay booskaas la reebay

”Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sida loo maareeyay guddoomiyihoo bangiga dhexe oo runtii xadgudub dhinaca awoodqaybsiga uu muuqdo. markii la magacaabayay guddoomiyaha maxkamada, ninbaa la qaaday oo nin kale oo isla haybtii ah lagu bedelay, laakiin markii guddoomiyaha bangiga dhexe la soo gaaray waxaa la yidhi tartan furan ha la galo oo waxaa laga leexiyay habkii wax qaybsiga” ayuu yidhi

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu iclaamiyay in bisha 2deeda magaalada Garoowe lagu qaban doono shir kooban oo wadatashi , kaasi oo ay isugu imaan doonaan madaxdweynayaasha maamulxubineedka federaalka, sida Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sidoo kalena ay ka soo qaybgalaan madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare dowladda federaalka

” Shirkaas waa mid si dhab ah loo wada hadli doono, waxaa lagu jaangoyn doonaa habka ay u wada shaqaynayeen dowladda iyo Dowlad xubineedka federaalka, sidoo kale in la xidadio magaca uu qaadan doono habka loo wada shaqaynayo oo uusan noqon kii hore ee la oran gollaha amniga qaranka” ayuu yiri mudane Deni

Gabagabadii, Madaxweynaha Putland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yhay inuu garab istaago, gacana siiyo maamulka Galmudug oo uu sheegay in khilaaf iyo dhibaato siyaasadeed ay haysato, islamarkaana cabasho ka muujiyay dowladda Federaalka

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...