Somaliland: “Madaxweyne Muuse Waxaad Mooda Inuu Taliskii Ciidanka Afraad Weli Xukumayo” Suldaanka Guud Ee Somaliland

Date:

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, waxaanu ugu baaqay inuu mar walba wanaag, tixigelin iyo cadalaad umadda ugu adeego, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda tixgaliyaan.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay sida wada jirka ah u gaadheen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Go’aankan la gaadhay maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan Xisbiyadu ku wada socdaan in la gaadho ayaa loo baahan yahay,laakiin maaha inay kala socdaan, oo kala fogaadan, Komishan laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan nahay, ee ha la simo, oo Xisbiyadu ha u sinaadan”.

Mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida ayaa yidhi “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeye, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta,maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanayaa, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ee la dhisayo ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah, dad baana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Jahmuuriyada Somaliland,dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo,ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo, markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, wax kasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshaan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...