Somalia: Qaabkii Uu Xasan Sh. U dhisay Tiirka Dhaqaalaha Somalia iyo Halka uu Farmaajo Maanta Dhigay

Markii aad madax u noqoto wadan bur buray, oo aaney dadkiisu waqti dheer Dowladnimo xoogan arag, laxawgii iyo lahaanshihiina uu dadkii ka guuray waxaa ku hortaala shaqo badan.

Waa inaad faham badan u leedahay baahida guud ee dalkaas, waase iney jirto mudnaan.Bishii September 2012 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wareegay tallada Villa Somalia. Intii aanan magaciisa lagu xardhin boorarka doorashada Xasan wuxuu ahaa qof aad looga yaqaano Koonfurta iyo baratamaha Somalia, isagoo ku suntana macalin ,nabad raadiye ka tirsan CRD iyo dhaqaale yahan maamulay qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee dalka.

Horumarinta dhaqaalaha iyo Hagaajinta hanaanka maaliyada ayaa ka mid ahaa lixdisii tiir ee bud-dhiga u ahaa balan-qaadkisii doorashada.

Ka hor 2012, dhaqaalaha dalka ayaa bur bursanaa, waxaana aad u yaraa daqliga gudaha.Qarashka kasoo xarooda Dakada Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ayaa liitay.Ma jirin canshuurta iibka, ajaanibta lama canshuuri jirin, sidoo kalana dalku malaheyn miisaaniyad rasmi ah oo uu Baarlamaanku ansixiyay.

Wax walba waxey u baahan yihiin Cilmi iyo Curin.

Hal asbuuc ayuu joogay Villa Somalia markii uu madaxweyne Xasan Sheekh amray in la diyaariyo misaaniyada saddexdii bilood ee ka dhimaneyd sanadka 2012.Waxaa aheyd 24kun oo dollar. Waa lacag aad u yar laakiin in sharciga la dabaqo ayaa wax walba ka weyn.

Saddex bilood kadib wuxuu Baarlamanka geeyay miisaaniyadii sanadka 2013 isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee miisaaniyad geeya Baarlamanka burburkii kadib.(Taariikhdu qofkeeda ma qariso).

Wixii ka horeeyay dowladii madaxweyne Xasan Sheekh, Bankiga dhexe ee Somalia wuxuu u jiray magac ahaan.Mar mar dhif ah ayey lacago ku shuban jirtay Dowladii Sheekh Shariif.Wuxuu ahaa mid local ah.Madaxweyne Xasan wuxuu xooga saaray in Bankigu noqday mid caalami ah, lacagta Dowlada oo dhan la dhigo, lacagaha Dowlada lagu soo shubo, oo la aamini karo. Waxaa la badalay gudoomiyihii Bankiga dhexe, hanti dhowrkii iyo xisaabiyihii guud waxaana la keenay dad wax badan ka yaqaanay shaqada waxaana uu madaxweynuhu siiyay awood iyo madxbanaani, taas oo sahashay in maanta uu Bankigu yahay mid si  hufan u shaqeeya.

Dakadda Xamar waa isha ugu weyn ee dhaqaalaha, intii aan la dooran madaxweyne Xasan Sheekh lacag aad u yar oo ilaa 100-150-kun oo dollar ah lagu sheegay ayaa laga heli jiray bil walba.Ma jirin Kuteenero imaan jiray taas oo iyaduna dhaqaalaha dishay.

Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh waxey abuurtay su’aalo badan oo la xiriiray sababta aan dhaqaale badan looga helin Dakadda iyo waxa u sabab ah, waxaana usoo baxday in maamulka la badalo oo shirkada Abeyrak oo iyadu wax badan balan qaaday lagu wareejiyo. Heshiiska Albeyrak ee Dakada Muqdisho wuxuu dhigaya in lacagta Dakada laga helo 60% ay qaadato Dowlada Soomaaliya, halka 40% ay leedahay shirkada Albayrak waxaase shirkada u raacsan iney bixineyso dhamaan qarashaadka looga baahan yahay Dakada kuwa joogtada ah sida mushaarka, dhismaha iyo wax walba oo kale oo Dakada looga baahdo. Dowladu waxey leedahay 60 nadiif ah.

Waxaa la isticmaalay fikrado kale iyadoo aan gacansatada canshuurta lagu siyaadin sidii dhacday labadii sano ee lasoo dhaafay.Faa’iido badan ayaa laga dhexlay isbadalkii Dakada. Meeshii marka hore laga heli jiray 150kun bisihii, waxey isu badashay hal milyan iyo sideed boqol oo kun ilaa 2 milyan oo dollar bil walba. Albayrak ayaa dib u dhis xoogan ku sameysay qeybaha Dakadda.

Heshiiska garoonka Aadan Cade isagu sidaa waa ka duwan yahay, oo markii la bixiyo qarashka joogtada ah ayey Dowladda Somalia iyo shirkada Favori qolo walba qeybteeda qaadata.

Meeshii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka bilaabay hanaanka maaliyada iyo meeshii uu geeyay waxaa tusaale kuugu filan in misaaniyadii u horeysay ay aheyd 24kun halka uu 2017 Baarlamanka ka ansixiyay misaaniyadii sanadka oo aheyd 260 milion oo dollar.(Farqigu waa mid aad u balaaran).

Afartii sanno ee Xasan Sheekh ma jirin sanad aan xisaab xir lagu sameyn misaaniyada wadanka oo aan Baarlamanka la hor geyn, laakiin nasiib daro labadii sanno ee madaxweyne Farmaajo wax miisaaniyad ah lama xirin, dood ayaana ka dhalatay markii lagu eedyay maqnaashaha 42milion oo dollar. Sidoo kale 4tii sanno ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa website-ka wasaarada maaliyada bil walba lagu soo bandhigi jiray qarashka Dowlada soo galay iyo midkii ka baxay bishaas, balse Dowlada madaxweyne Farmaajo ayaa xirtay website-kaas, bishii March 2017 ayaana ugu dambeysay wax lagu daabaco. (Yaa hunfnaantii diiday?).

Xalane waa goob xiran, oo aan la ogeyn waxa lagu qabto, cadaan badan iyo shirkado kala duwan ayaa degan. Lama canshuuri jirin, laakiin dowladii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa canshuur kusoo rogtay shirkadaha halkaas degan, waxaana ay taasi kaabtay daqliga Dowladda. Sidoo kale sidii loo mareeyay canshuurta iibka iyo gaadiidka oo ay Dowladii Xasan Sheekh bilaawday waxey aheyd arrin bogaadin leh.

Dhismaha hanaanka maaliyadu wuxuu usoo maray heerar badan afartii sanno ee Xasan Sheekh iyadoo ay amaan mudan yihiin wasiiradii soo maray wasaarada maaliyada, oo mid walba uu cutub fiican la yimid, iyagoo raacay aragidii daah-furnaanta maaliyada ee madaxweynaha.

Xasan Sheekh wuxuu daqliga ka qaaday 1.2% wuxuuna gaarsiiyay 4.4% markii uu xilka wareejiyay, laakiin labadii sanno lasoo dhaafay daqliga wuxuu ahaa 2.3% sanadkii 2017, halka uu 2018 ahaa 3.1%. Dib u socosho ayaa jirta walise lagama doodin sababta.

Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh waxay dalka dib ugu soo celisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, taasoo ay la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxiixato heshiisyadii SMP ee deyn cafiska, waxaa waqtigaas la gaaray heerkii ugu fiicnaa ee deyn cafinta.

Waxey ku guuleysatay barnaamijka New Deal kaasoo waddada u furay inay Soomaaliya iyadu keensato mashaariic horumarineed, madaxweyne Farmaajo waxaa uu sii waday barnaamijka SMP iyo xiriirka hey’addda IMF iyo bangiga adduunka oo kaliya. (Laba sanno kadib waxaba lama nuuxin).

Deyn cafintu waa saddex nooc. Mida koowaad waa in lagaa joojiyaa lacagaha bil walba kugu kordhaya inta ay deyntu xagaaga jirto, mida labaad waa in lagaa cafiya dul-saarka kugu taagan ,mida u dambeysana waa in deynta laga wada hadlaa. Dowladdii Xasan Sheekh oo shaqadaan bilaawday waxey ku guuleysatay wajigii koowaad oo ahaa in la joojiyo lacagta sanad walba ku kordheysay deynta ku maqan Soomaaliya.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay ku guuleysto in adduunku Soomaaliya ku aamino dhaqaale ay maamusho burburkii kadib, lacagta maamul goboleedyadda loogu talagalay waxaa lasoo marin jiray dowladda, is qab-qabsi lacageed ma uusan dhicin, taasoo muujinaysa Hufnaantu halka ay gaartay.

Dowladdii Xasan Sheekh waxey gaartay isku filanaan maaliyeed dhinacyada qaar. Meeshii 100% la caawin jiray dowlada,waxey isu badashay 78% iney iyadu is bixiso, balse 22% la caawiyo.(Hada waxaa Somalia la caawiya 40% hadaba maxa sababay hoos u dhaca?).

Waxaa jirtay afar waxyaabood oo loo yaqaanay mudnaanta maaliyada oo ah dhinacyada loo isticmaalo lacagta Dowlada waana 1) mushaarka ciidanka, 2) mushaarka Baarlamaanka, 3) mushaarka shaqaalaha rayidka ah iyo 4) running costiga wasaaradaha.

Intaas iyo in ka badan ayaa lagu xasuusan karaa hufnaanta maaliyadeed iyo dhaqaale abuurkii madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa jirta lacag deyn ah oo 50 milyan aheyd oo u badneyd mushaaraad oo ay ka tagtay Dowladii Xasan Sheekh, laakiin dhowaan ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay iney xukuumadiisu bixisay 100 milion oo ay ka tagtay Dowladii hore.

Lacagaha deymaha ee Dowladda lagu lee yahay qaar waxaa leh dad ganacsato ah.Lacagahan waxaa qaarkood la qaaday xiligii madaxweyne Sheekh Shariif waxaana ku jira isbitaalo gaar loo lee yahay oo lagu daaweeyay ciidanka Dowladda. Hadaba ma waxaa jirta lacag deyn ah oo ay bixisay Dowladda madaxweyne Farmaajo

Sida caadiga ah hadii ay Dowladu deyn bixineyso waa in lagu soo cadeeya miisaaniyada Qaranka, mana ku jirin wax deyn bixin ah miisaaaniyadii loo gudbiyay Baarlamaanka, taas oo sidoo kale beenineysa sheegashada Ra’iisul wasaaraha.

24 bilood kadib, Jidadka inta badan xiran, gadoodka ganacsada, kaluunka ajaanibtu qaadatay, qandarasyada qaraabanimada lagu bixiyay iyo hanti loo boobay oo Bankiyo dibbada ah la dhigtay ayaa loo sababeynaya hoos u dhaca dhaqaalaha Soomaaliya.Labadii sanno ee lasoo dhaafay Somalia ayaa loo magacaabay dalka ugu musuqa badan aduunka.

Taariikhdu isma qariso.Shacabka waxaa hortaala iney si dhab ah uga doodaan waxa sababey dib u dhaca dhaqaale ee dalka iyo sababta dowlada hada jirta u diidan tahay daah-furnaan maaliyadeed.

Comments

comments