Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Ka Qeyb-Galay Xuska Maalinta Dhiraynta Qaranka

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilahai Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qeyb galay Xuska Maalinta Dhiraynta Somaliland oo hore Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ugu asteeyey 15-ka bisha Afraad (April) ee sannad kasta.

Munaasibadda lagu xusayey maalinta dhiraynta Jamhuuriyadda Somaliland oo halku dhigeedu ahaa “Dhankastoo laga eego dhirtu waa nolosheena ee aan dhwarno”, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Degaanka iyo Horumarinta Reer Miiga iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo dhiraynta iyo beerista dhirta.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dhawaan soo saari doonaan sharci dadka ku waajibinaya inay guryahooda ku beeraan dhir si looga hortago xaalufka iyo bilic xumada, Wasiir Shukri Xaaji Baan-dare ayaa carabaabtay sida ay Deegaanka u ilaaliyaan ulana dagaalamaan cidkasta wax yeelaysa Deegaanka, waxaa ay u mahad celisay Ciidanka Booliska iyo Maxkamadaha oo ay sheegtay inay Sharciga ugu hiiliyaan.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilahai Ismaaciil (Saylici) oo gebagabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xuska maalintani qiimo weyn ugu fadhiyo qaranka, waxaana uu u mahad celiyey Wasaaradda Deegaanka iyo Wasiirkeeda oo ku tilmaamay inay tahay Wasiir Lexejeclo badan ka qabta qaranka islamarkaana ay mudan tahay in la gudoon siiyo Shahaado Sharaf, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Bulshada kula dardaarmay in la ilaaliyo Deegaanka lagana qeyb qaato sidii horumarin lahaa si looga gaashaanto Abaaraha.

Wa bilaahi tawfiiq

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...