Somalia: Hoggaamiye Ku-Xigeeknkii Kooxdda Daacishta Soomaaliya Oo La Dilay

Date:

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdismad Maxamed Gallan ayaa sheegay in duqeyn maanta ka dhacday Tuulada Xiriiro oo 3KM u jirta Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari lagu dilay madax ka tirsan Kooxda Daacish.

Galan ayaa sheegay in duhurnimadii Maanta oo Axad ah duqeyntaas lala eegtay gaadhi uu watay ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa oo la socday.

Waxa uu intaa ku daray in gaadhi nuuca raaxada ah oo uu watay ku xigeenka Daacish in lagu burburiyay duqeynta.

Ma sheegin cidda geysatay ama fulisay, balse maalmihii dambe Mareykanka ayaa kordhiyay Howlgalada duqeynta ah ee uu ka geysto Deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.
Dadka tuulada ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa duqeynta, inkasta oo ay sheegeen in ayna garanayn cidda lala eegtay.

Ma jiro war kasoo baxay Kooxda Daacish oo ay kaga hadlayaan duqeyntaan Maamulka Puntland uu sheegay in looga dilay Guddoomiye ku xigeenkooda iyo kusii xigeenkiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...