Somalilnd: Kalluumaysato Sheegay In Maraakiib Sita Qalab Ay Ku Arki Karaan Halka Kalluunku Ku Badan Yahay Ay ku Jiraan Badda Somaliland

Date:

Qaar ka mid ah Kalluumaysata Reer Somaliland, ayaa sheegay inay soo waajahday Kalluun yari, ka dib markii ay bay yidhaahdeen Maraakiib Ajaanib ah iyo Doonyo Iiraan laga leeyahay xaalufiyeen Kalluunkii ceegaagay Biyaha Badda Somaliland, kuwaasi oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysto halkaasi.

Kalluumaysatada Reer Somaliland ayaa sheegay in Maraakiib qaarkood Shiinaha laga leeyahay ay hawlo Kalluumaysi ka wadaan badda isla-markaana Kalluumaysiga u adeegsanayaan Qalab u saamaxaya inay sii eegaan hadba halka Kalluunku ku badan yahay, markaa ka dibna ay inta ay eegeenba Shabag mar keliya wada xidhaan, taasi oo keenaysa bay yidhaahdeen inay qaataan xataa dhasha Kalluunka.

Kalluumaysatada oo Shalay qaarkood la hadleen Telefiishanka HCTV oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay, ayaa iyagoo ka hadlaya waxay yidhaahdeen “Waxaanu ka cabanaynaa Maraakiibta Ajaanibka ah ee Kalluumaysiga ka wada Xeebaha Somaliland, kuwaasi oo aan midhna kaga tegayn, xitaa Dhagaxa Kalluunku ku dhalo, waxaanu doonaynaa in Kalluumaysatadaa ay naga qabato Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kalluunkii badda Xabad xabad ayuu ku yahay oo jooga waxaana sababaya Maraakiibta iyo Doonyaha Iiraaniyiinta ah ee bad-weynta jooga..”

Mid kale oo ka mid ah Kalluumaysatada reer Berbera ayaa isaguna sheegay “

“Haddaad maqasheen Xasuuqa Dadka, Maraakiibtaasi waa Xasuuqa Badda, Ugxaantii Kalluunka ayuu qaadayaa, wuu guurayaa Kalluunku markaa, markaa Xasuuqa badda ayaa la yidhaahdaa Haddaad Jariif maqasho, markaa aad iyo aad waxaanu uga codsanaynaa Xukuumadda in Maraakiibtaa la naga xakameeyo, si Kalluunku u yimaaddo oo uu u soo bato..”ayuu yidhi.

Mid kale oo ka mid ah Kalluumaysatada ayaa yidhi “Maraakiibtii Shiinaha ayaa joogta, Kalluunka Tuumbooyin bay ku soo nuugayaan markaa Kalluunba hadhi maayo hadduu Madow yahay iyo hadduu Caddaan yahay. Inta Wax badda lagu eego ayaa Inta la eegay Shabag lagu wareejinayaa, dabadeedna waxa dhacaysa in xitaa dhashii la qaado.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...