Somaliland: Shirkadda Korantada INDHO-BIRTA Oo Mar Kale Cabasho Ka Muujiyey Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta

Khilaaf Wali Ka Dhex Jira Shirkaddaha Bixiya Adeega Korantada Oo Lagu Xidhiidhiyey Dhexdhexaadnimo La’aan Dawladdeed Iyo Wasiirka Tamarta Oo Jilaa Ka Noqday

Markii ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi talada la wareegtay waxa Shirkaddaha bixiya adeega korantada ka dhex qarxay Khilaaf xooggan oo aan wali xal loo helin, sababtana waxa loo aanaynayaa Masuuliyiinta Wasaarada Macdanta iyo Tamarta xubno kamida oo lagu xidhiidhiyey inay Shirkaddaha qaarkood saami ku leeyihiin ama si kale gacan saar ula leeyihiin.

Masuuliyiinta sida cad loogu eeddeeyey arrintaas waxa kamida Wasiirka Wasaaradaasi oo ay cabashooyin soo noqnoqday ka muujiyeen Shirkaddaha qaar kamid ahi.

Wasiirka ayaa intii aan loo magacaabin xilka waxa uu ahaa Maareeyaha Shirkadda SOMPOWER, waxaanay Shirkaddaha ka cabanayaa sheegeen in uu ilaa wakhtigaas caqabado ku hayey adeegyadooda.

Shirkadda Korantada ee INDHO POWER, ayaa kamida Shirkaddaha cabashada weyn ka muujiyey Wasiirka oo aan isagu marna Bulshada u beyaamin jiritaanka eeddeymaha loo jeediyey.

Shirkaddu waxay sheegtay in laga xidh-xidhay Shaqaale iyo in tacadiyo kale loo geystay. “waxaanu cod dheer kaga cabanaynaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta. waad aragtaan in Shaqaalihii iyo Gaadiidkii Shirkaddu ku xidhan yihiin xarunta oo ay Askari dul-fadhido, waxaanay u xaniban yihiin Wasiirka” sidaas waxa yidhi Maamulaha Shirkadda INDHO-BIRTA Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen oo maanta la hadlay Warbaahinta.

Maareeyaha ayaa intaa ku daray “waxa kale oo xaqiiqo ah inay Shaqaalihii Shirkaddu maalintii Afraad ku xidhan yihiin Saldhiga oo uu xidhay Wasiirku”ayuu raaciyey hadalkiisa isagoo farriin u diray Madaxweynaha “Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa inaad wax ka qabato dhibaatada nalagu hayo” ayuu yidhi.

xubno kamida Shaqaalaha oo iyaguna hadlay ayaa tilmaamay in uu handadaad joogto ah ku hayo Wasiirku Shirkaddooda. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasiirka oo la xidhiidha eeddeymahan loo jeediyey oo aan ahayn markii ugu horaysay.

Khilaafka Shirkadda Korantada iyo cabashooyinka isa soo taraya ayaa halis nabad-gelyo abuuri kara haddii aanay Xukuumaddu dhexdhexaad u noqon Shirkaddaha oo ay qaarkood u xagliso.