Somalia: Madaxweynaha Uganda oo Soomaaliya ku tilmaamay dal aan laheyn dowlad maamusha

Date:

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa siweyn u qabsaday baraha ay bulshadu ku wada xiriirto hadal uu madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ka jeediyay shirweyne ay lahaayeen hay’addaha Garsoorka dalkiisa, isaga oo sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalal badan oo caalamka ka tirsan oo aan laheyn dowlad maamusha.

Madaxweynaha ayaa u sheegay golaha Garsoorka dalkiisa in ay jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad maamusho, isaga oo sheegay in tusaale ugu dhaw loo soo qaadan karo sida uu hadalka u dhigay Soomaliya, sidoo kalana jiraan dalal kale oo la mid ah Soomaaliya laakiin arrimo diblomaasiyada la xiriirta uu u qarinayo in uu carabka ku dhufto.

‘’Dowlad waxaa loola jeedaa hay’ad maamusha dhulka, sidaa daraadeed waxa jira dalal badan oo aan laheyn hay’addo maamula, waxaana tusaale idinku soo qaadan karaa Soomaaliya ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda.

Dadka baraha bulshada isku dhaafanayay hadalka madaxweynaha Uganda ayaa ku tilmaamay gaf iyo ceeb meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya, xili dowlad Uganda ay dalka ka joogaan Kumannaan ciidamo ah oo ilaaliya xarumaha dowladda gaar ahaan madaxtooyada oo xarun u ah mas’uuliyiinta ugu sareya dalka.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira hadalka uu jeediyay madaxweynaha dalka Uganda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...