Somaliland: “Puntland Haddii Ay Joojin Waayaan Tuurtuurka Faraha Badan Leh Ee Ay Ciidanka Qaranka Iyo Shacabka Sool Ku Hayaan, Waxay Nagu Kalifaysaa Inaynnu Halkooda Ku Doonano”

“Amniga Iyo Xasiloonidu Labada Shacab ba Waa U Dan Ee Haddii Cabdiwali Ama Puntland Ay Ka Abuurayso Laascaanood Inaanay Nabad Ku Seexan, Dee Garoowena Nabad Ahaan Mayso”

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland & Wasiirka Gaashaandhiga Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Xaaladda Ammaan Ee Dalka

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, ayaa waxay faahfaahin ka bixyeen dhibaatooyinka ammaan-daro ee ay sheegeen inay Puntland ka wado deegaanada Tukaraq iyo guud ahaanba gobolka Sool.

taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay muujiyeen, mas’uuliyad badana iska saareen ammaanka nabadgalyada deegaankaasi, balse Puntland aanay marnaba diyaar u ahayn taasi “deegaanka Tukaraq waxa aannu tagnay sideedii bishii Jeeniwari ee sanadkan, mudadii intaasi ahayd, ilaa saddex dagaal oo waaweyn ayaa meesha ka dhacay guushuna waxay raacday ciidamada Somaliland, wixii intaasi ka dambeeyay, tuur tuur ciiddaa ka badan oo boqolaal iyo dheeraad jeera ayaa dhacay, annagu waxba kumaanaan tuurin inta badan iyo habeenkii oo dhuumaalaysi meelaha qaarkood noogu soo galaan ayay intaasiba nagu wadeen. Ciidanka qaranku uma uu jawaabin, isagoo u jawaabi lahaa, ilaa shalay oo ugu dambaysay hawshaasi way jirtay. Ciidanku waa karayay inaanu ugu tagno ilaa Faliidhyaale ama God-qaboobe iyo meelo la mida oo aannu toos u qabsano meelahaasi habeenkii ay naga soo gaadayaan, laakiin dagaallada oo sii socda ayaanu diidanayn, isla markaana waxa aannu ilaalinaynay Puntland oo doorasho galaysa in doorashadoodaa aanan ka carqaladayn.” Ayuu yidhi taliyaha ciidanku

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland waxa uu ka dhawaajiyay inay ku kalifi doonto ciidanka qaranka deegaannada ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland, waxana isagoo ka hadlaya uu yidhi; “Arrintaasi sidaa uma sii socon doonto, waxay nagu kalifaysaa inaynnu halkooda ku doonano haddii ay joojin waayaan tuurtuurka faraha badan leh.”

Wasiirka gaashaandhigga Ciise Axmed Yuusuf ayaa isaguna dhinaciisa tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo nabada iyo wada noolaanshaha labada shacab ee Somaliland iyo Puntland, waxaanu yidhi; “Waxaa xaqiiq ah oo aynnu ogayn shuruudihii ay beesha caalamku keeneen ee waanwaanta ahayd, Somaliland-na waa ay aqbasgay iyadoo ka duulaysa xasiloonida, degenaansha iyo xabad dambe oon sii socon, haddaba waxa aad moodaa shantaas jeerba qolada Puntland waa ay diidayeen oo nabadoonkii gadhwadeenka ka ahaa arrintan ee bulshada caalamka waxa cadayd qoladan Soomaaliya inay dhagaha ka furaysanayeen. Iyadoo xaal halkaas marayo ayaa hadda waxa jirta runta la qaran maayee, heer ay bilaabeen qoladaasi Puntland si ismiidaamin ah oo inta ciidan la soo abaabulo magaalooyin dagan oo xasiloon oo Laascaanood ay ka mid tahay n maleeshiyaad la soo galiyo. Farriinta aannu maanta halka ka diraynaana ay tahay, Somaliland diyaar uma aha inay Puntland weerarto oo bulshadaa reer Puntland ee nabdoon na duulaan ku ahayn. Waxa aan baaq u dirayaa cuqaasha iyo odayaasha Garoowe ku urursan ee maanta doorashada ka qaybqaadanaya, amniga iyo xasiloonidu waxay tahay xaqiiq iyagu way garanayaan ee haddii Cabdiwali ama Puntland maanta ay ka abuurayso Laascaanood inaanay nabad ku seexan, dee Garoowena nabad ahaan mayso, haddii amniga laga wada shaqayn waayo oo xasiloonida laysla garan waayo, ninna nabad ku hurdi maayo nina xasilooni daro ku seexan maayo.”

Comments

comments