“Dekedaha; Haddii Ereteriya Lagu Camal Falaayana Ma Diidno,Haddii Berbera Lagu Camal Falaayo Ma Diidno, Maxaa Yeelay Waa Tartan Iyo Ganacsi Iyo Shaqo-wanaag”

233

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa tilmaamay inaanu la dhacsanayn isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay inaanu weli u muuqan heshiis dhex maray madaxda gobalka qaarkood oo saamayn ku yeelanaya dhaqaalaha.

Madaxweyne Geele, oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, wuxuu ka hadlay isku furanka dhaqaale ee laga yaabo inuu gobalka ku soo kordho iyo sida ay Djibouti ula jaanqaadi karto. Ugu horayn isagoo ka hadlaya xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi  “Waxaanu ahayn dadka kaliyaata ee ilaa 2008-dii labada dawladood ee jaarka ah, labada dawladood ee isku jiray ee kala baxay labada dawladood ee islaayay ee Itoobiya iyo Eratariya la yidhaahdo labadaba xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo ah oo wada shaqayn ah la lahaa anaga weeye, 2008-dii ayay wax na dhex mareen anaga iyo Eratariya inkasta oo wax na dhex mareen waxaanu u fadhinay mar walba in si nabad ah aanu ku wada hadalno waxii na dhex yaala aan ka doodi karno, wax alle qadaray weeye oo waa ay suurtoobi la’ayd  ilaa imika anagu jawigaas nabadeed diyaar ayaanu u nahay waanu sheegnay oo waxaanu idhi aan arinkayaga dhamaysano way dhawdahay ayaan u malaynayaa waanu sugaynaa, taasina kama dhigna in aanu ka xunahay ama ka horjeedno ama aanu diidanahay midna maaha, salaad walba xiligeeda ayaa la tukadaaye in aan arinkanina ku dhex milmin nabad jacaylkaas iyo jawigaas wanaagsan oo aan qadiyadayadii meeshaas ku halaabin.

Isku furanka dhaqaalaha iyo heshiisyadaas ma laga yaabaa inaad ku soo biirtaan?

Heshiis aan ognahay oo dhaqaalaha badalaaya ama si kale u rogaaya inuu jiro anaga nalama aha, haddii aad leedahay marsooyinka sidee loogu camal falayaa anaga kaayagu waxa uu abuurmay 1926-dii ilaa maantana ama Itoobiya ha ku camal fasho ama ha ku camal fali waydee waa uu socday uun horena waa uu u scoday uun, sidii ayaanu aaminsanahay haddii ka Eratariya lagu camal falaayana ma diidno,haddii Berbera lagu camal falaayo ma diidno, haddii Kismaayo lagu camal falaayana ma diidno maxaa yeelay waa tartan iyo ganacsi shaqo wanaag iyo kalsooni uunbaa ayuunbaa lagu shaqaynayaa.

Idinka iyo Eratariya wada hadal ma idiin bilaabmay?

Haa waaniga ku leh, ragii farsamada ahaa wasaaradii arimaha dibada, anaga labadayada madax waanu is aragnay oo Jidda ayaan isku aragnay, wasiiradii ayaa noo hadhay inay kulmaan ( Jabuuti) ama halkan ama Asmara.

Itoobiya waxa idinka dhaxeeyay xidhiidh ganacsi oo dhaw haddii heshiisyadan aad gaar ka ahaataan ma laga yaabaa in saamayn ay ku yeelato xidhiidhkiina?

Waa uu iska jiraa kaasi anaga iyo Itoobiya waxaanu leenahay xidhiidh kale oo dhaqaale oo weyn iyo is dhex gal, khudbadaydiina waan ku idhi oo xadiid tareen ayaa noo dhaxeeya oo wadooyin iyo Telefoon iyo Viber Optic ayaa noo dhaxeeya,wax alle iyo waxii dhoofaya ee Itoobiya halkanbuu soo maraa, waxii ay la dagayaana halkan ayay maraan waxaanu ku heshiin weynay oo aanu ku kala tagnayna ma jirto wax cusayb u baahana ma jirto, waxay ku xidhan tahay labada shirkadood ee wada shaqaynaaya haday dhanka ascaarta isku diidaan ama meel ka roon ay helaan way iska tagayaan anaguna ma diidayno taas.

Waxaad marti galiseen saldhigyo kala duwan, dhawaana Maraykanku waxa uu sheegay in uu badalaayo siyaasadii arimaha dibada si looga hortago wax ay ugu yeedheen dhaqamada dooxatada ah ee Ruushka iyo Shiinaha, saamayn intee leeg ayay idinku yeelanaysaa arintaas?

Isbadal anagu siyaasada Maraykanka kama aragno oo dharaar dhawyadna waxa nala joogay kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Afrika qaabilsanaa, siyaasadooda waxii anaga nagu saabsan waa sidoodii oo si ka fiican ayay noqonaysaa ninkaas aad sheegtayse rayigiisa shaqsiga ah ayuu sheegay jawaabteedana waa uu heli doonaa, dawladaha dano ayaa dhex yaala Shiinaha iyo Maraykanka xidhiidhkeena ka fiican way yeelan karaan wayna leeyihiin way isku dhex jiraan si ay u kala baxayaana ma jirto, is riix riixoodana anaga nama quseeyo anagun waxaanu u ogolaanay midna in hawlihiisa iyo maraakiibtiisa oo 85% xoolaha badacas iyo bada Hindiya mara waa Shiine,inay waxooda sheedaas ka ilaashadaana anagu waanu u ogolaanay isdhex galka dhaqaale iyo is kaashiga dhaqaale ka sokow inaan u ogolaano inay nala joogaan kuwan kale ee Maraykankuna horeba way u sii joogeen oo 2003 way yimaadeen.

Waxaad sheegtay inay si gaar ah arimhooda u kala maaraysan karaan,laakiin waxa laga yaabaa inay arimuhu is kor maraan Maraykanu waxa uu yidhaahdaa in diyaarado uu leeyahay Shiinahu uu wax la beegsado?

Waa ay yidhaahdaan waanuna eegnaa oo waanu baadhnaa kuwan kalena sidaas si leeg ayay yidhaahdaan oo khaatiyaanbaanu joognaa oo waa nala dul maraa, waxaasi waa wax ay labada ciidan uun ka heshiinayaan.

Xidhiidh wanaagsan ayaad leedihiin Shiinaha, labadoodiina ka dhaxeeya loolan ma laga yaabaa inaad kala doorataan oo aad dhinac isugu baydhaan?

Ma kala dooranayno oo waanu la tacaali karnaa labadaba waanan la shaqayn karnaa,waxuna waa gancsi oo arimo kale oo siyaasadeed kuma jiraan iyagu markay laba boqol iyo saddex boqol oo bilyan is dhaafsanayaan waxan yar halkan yaala  wax macno leh maaha.

Waxa kale oo ka jira gobalka hirdan kale oo Carabta ah haba u badnaadeen Qatar iyo Turkiga oo meel ah iyo Sucuudiga iyo Imaaraadka oo meel ah wal wal intee leeg ayuu idinku hayaa Jabuuti ahaan?

Umada Carabtu markay is dhibaataysaba anaguna dhibaatadaas waanu la qabaynaa, oo markaad Camp David ka soo bilowdaba kol kolbuu gariirku imanayaa oo madaxa laysku dhufanayaa hadana waa laga heshiinayaa, xataa haddii samadaas xuduudii kale kolkaasba aad galayso halka lagu kala tagaayo anigu ma garanaayo, wax tagay yaynaan ka hadlin ee waxa socda aynu ka hadalno.

Mucaaradka Jabuuti ee dalka inay ku soo noqdaan?

Way iska yimaadaan oo way noqdaan oo way yimaadaan oo way laabtaan,cid u diidaa ma jirto ku ay maxkamadi haysato mooyaane.

Saxaafada Jabuuti waa mid qudha oo dawladu ay leedahay?

Dee midaa wanaagsan.

Waxa jirta fikrad ah in aanay mucaaradku xor u ahayn inay fikirkooda ku cabiraan dalka gudahiisa cadaadisna ay ka cabanayaan?

Dee haydin tusaan idinka meesha loogu diidayo inay jariirad qoraan oo ay idaacad ka hadlaan oo waxay doonaana ay ka hadlaan, wax aanu angu u diidnayna ma jiraan sharcina uma diidayo laakiin waxaan doonayo maahan sidaan u doonayo maahan si kale ma jirto isaga ayaan dimuqraadi ahayn.

Waxaad ka qaybqaadatay halkankii gobanimo doonka Jabuuti, dalka mudo labaatan sano ku dhawbaad madaxweyne ka ahayd saddex doorashana waad ku guulaysatay, doorashadan miyaad soconaysaa?

Wakhtigeeda ayaan ka jawaabi doonaa.

Comments

comments