Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Somaliland Siyaasi Duur Oo Walaac Ka Muujiya Xaaladda Amni Ee Dalka Iyo Siyaasadii Dibadda Ee Soo Oodantay

Waxaan Xasuustaa Mar Aanu Werwerka Doorashadu Lahayd Ka Kaftannay Maxamud Xaashi Iyo Guddoomiye Faysal”Siyaasi Duur

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Xukuumaddii hore ee Kulmiye Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa walaac ka muujiyay Xaalada Amni ee uu dalku ku jiro, isagoo sheegay inaanay wali dhamaan Xanaftii doorashadu ka tagtay, waxa uu hogaanka dalka ugu baaqay inay sii wadaan midaynta umadda iyo adkaynta amniga iyo Siyaasada Arimaha Gudaha iyo dibadda, waxa uu sheegay in qofkasta maanta u baqayo dalka nabadgalyadiisii.

Siyaasi duur ayaa hadalkan Shalay ka jeediyay madal ilyartu isqabatay oo ay ku dhamaayeen siyaasiyiin, oday dhaqameed iyo Culimo Awdiin, taasi oo ahayd madal dhaqan oo Gabaati lagu kala qaadanayay, reer Cusubna lagu yaqleelayay, waxaana hadalkii uu halkaasi ka jeediyay ka mid ahaa “Waxaa muuqata wali waxaynu Carabka Ku cejinaynaa nabadgalyaddii ayaynu u war waraynaa o qofkasta wuxuu u baqayaa dalka Nabadgalyadiisii, Waana raad ay inagaga tagtay doorashadii, ama inaga oo aan wali adkaan iyo maanta duruufo badan oo isbarkan oo ina dhex yaalay ay jireen, iyo siyaasadii dibada oo wax iska badeleen, Waxaad moodaa sababta maanta cid waliba ugu cel celinayso Ilaalinta Nabadgalyadda, Laakiin wax wanaagsan ayaa dhacay oo ayaamihii u dambeeyay Khayr badan ayaa soo kordhay”.

Waxa kale oo uu yidhi“Midnimadda Guud, waa ta ugu wayn, in la dhamaystiro uunbaa la doonayaa, Waxay ahayd madal aad u balaadhan, Maxamuud Xaashi iyo Faysal ayaan xasuustaa, Anagoo aad u kaftanay doorashada ka hor oo halkan ahayd oo lagu dhamaa, iyadoo aanu ka wada hadalnay War-warkay doorashadu wakhtigaas lahayd, aadbaan u xasuustaa,Haddii doorashadii dhamaatay oo war warkii ay lahayd soo baxay, waynu nasiib badanahay oo Illaahay ayaa ooliyay,markaa waxay illa tahay in la dhamaystiro wax kasta oo huursan, oo umadda Midnimadeeda Gudaha in la ilaaliyo, la dhagaysto, la daweeyo,waayo Somaliland wali maynaan adkaan”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxaynu ahayn Dad iyagu waxooga dhistay oo isku tashaday, Culaysyo badan iyo Cidhiidhi badanina meel walba ka saaran yahay, markaa waa in la ilaaliyo midnimada, Wadajirka iyo Wax wadalahaanshiyaha”. Ayuu yidhi Duur.

Comments

comments