Somaliland: Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe Iyo Ku Xigeenka Labaad Ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere Oo Dagaal Gacmaha Iskula Tagay Iyo Cidda Gacanta Ku Horraysay

112

Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa dhaawac fudud u gaystay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe kadib markii uu sida la sheegay muran xoog lihi dhex maray.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Habeenimaddii Arbacadii ee Todobaadkii hore ay Hoteel Maansoor ku Kulmeen Labadan Masuul oo hore hadalo kulul warbaahinta iskugu mariyay. Wararkan ayaa sheegaya in Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani ay kulan gaar ah marka hore lalahaayeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe islamarkaana uu kulankaasi si kedis ah uga soo dhex galay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Kulmiye Ahmed Cabdi Dheere kaasi sida wararku sheegayaan uu isagu hadalka kaga horeeyay Faysal kana dalbaday Masuuliyiintii goobtaasi joogay inay wadahadashiiyaan isaga iyo Faysal, si ay iskaga laab xaadhaan Weerarkii ay dhawaan Waraabinta isku mariyeen, isagoo yidhi Hadalkan “soo fadhiiso Faysalow ha laynoo Gar Naqee”?.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sida lanoo xaqiijiyay daadafeeyay Codsigaasi isagoo ugu jawaabay  hadal ka cadhaysiiyay Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere islamarkaana madasha ku dhex tuuray kalmado ka qosliyay masuuliyiintii markaa fadhiyay goobta waxaana uu yidhi“ Aniga iyo adiga laynoo garnaqi maayo, nin weyn baan ahay oo Cigaal iyo Siilanyo la soo shaqeeyey  ee inamadiinan yar yar ee Kulmiye hadii aad I nabad galin weydaan madaxaan idinka toogan Doonaa”.

Wararkan ayaa intaasi ku daray in Hadalkaasi kasoo yeedhay Faysal Cali Waraabe uu si xun uga gubtay Axmed Cabdi Dheere islamarkaana uu dagaal gacan ka hadal ah iyo farotaag taag la tiigsaday isagoo sida la sheegay Feedh isha dusheeda kaga dhuftay,nabar fududna gaadhsiiyay. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ku feedhay Mobileka gacanta, balse dad goobta ku sugnaa oo Wargeyska Foore u waray ayaa sidaasi  noo xaqiijiyay. Waxay markii dambe madashaasi isku badeshay buuq iyo fawdo iyo in lagu kala guntado labada Masuul inuu khasaare intaasi ka badani kala gaadho. Markii dambe Faysal oo nabarkaasi gaadhay aadna u cadhaysan ayaa waxa goobtaasi ka kaxeeyay Masuuliyiin Xisbigiisa ka tirsan oo wakhtigaasi Huteel Maansoor ku dhex sugnaa.

Isku day badan oo aan samaynay Xalay sidii aanu Gudoomiye Faysal ku heli lahayn, waxna uga waydiino arintani ayaan noo suurtagalin balse Sarkaal Xisbiga UCID ka tirsan oo aanu khadka telefanka ku helnay ayaa noo xaqiijiyay arintani waxaana uu sheegay inay ka xisbi ahaan u arkaan Falkaasi mid loo dhamaa oo laga soo abaabulay Madaxtooyadda waxaana uu yidhi sidan “Xisbiga UCID ahaan waxaanu aaminsanahay in Gudoomiyahayaga La Shirqoolay, Ahmed Cabdi Dheere Markan Uu Gacanta U Gaystay Gudoomiye Faysal Waxa Uu Daqiiqado Yar Ka Hor Toos Uga Soo Baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland”. Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga UCID.

Comments

comments