Somaliland: Ciidamada Amniga Boorama Oo Xabsiga Dhigay Weriyayaal Ka Hawlgala Laamaha Warbaahinta G/awdal

Ciidamada amniga Boorama ayaa xabsiga saldhigga Bileyska Boorama u taxaabay ku dhawaad lix weriye oo ka hawlgala warbaahinta madaxabannaan ee G/awdal .Xadhigga Weriyayaashan ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay isku dayeen inay sawiiro ka qaadaan arday ka tirsan dugsiga dhegeoolayaasha Boorama oo cabasho la hortegey  xarunta maamulka G/awdal ee Boorama ,taasoo ka cadhaysiisay Badhasaabka gobolka kaasoo sida la sheegay saraakiisha ciidanka gobolka  ku wargeliyey inay tallaabo ka qaadaan weriyayaashan sidaana loogu xidhay.

Weriyaashan ayaa xorriyadooda loosoo celiyey cabbaare 1dii duhurnimo ee maanta weriyayaashan ayaa sii Deyntooda  waxa dedaal ka galay Taliyaha ciidanka Booliska  dalka  ,taliyaha qaybta Booliska G/awdal,Ururka suxufiyiinta SOLJA iyo  Badhasaabka  gobolka kuwaasoo wadatashi dhexmaray  ku go’aansasaday  siideyntooda.

Waa markii u horreysay ee  Boorama lagu xidho tiro suxufiyiin intaa le’eg oo hawshooda gudanaya .

Ardaydan mudaaharaadaysay ayaa  dhowr jeer oo horeba cabashooyin noocan oo kala ah la hortegey masuulyiinta dawladda ee gobolka iyo kan degmada balse an cabashooyinkoodaasi waxba kasoo qaadin loogana baahnaa in masuuliyiinta dawladdu dhegeystaan waxay u qaban karaanna uga qabtaan cabashooyibnkaasi .

Wariyahayaga Gobolka Awdal: Cumar Maxamed Cumar

Comments

comments