Somaliland: Sheekh AADAN SIIRO Oo Khudbaddiisii Shalay Ku Soo Qaatay Gabood Falkii Ugu Cuslaa Oo Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Gaystay Oday 80 Jir Ah Iyo Dhul Uu Xoog Kaga Qaaday

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland, laguna yaqaano sida uu mar walba uga hadlo xaaladda dalka iyo dadka ee ilaalinta danta caamka ah iyo halka danta umaddu ku jirto ayaa si weyn uga hadlay dhacdo layaab leh oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhul gaar ah xoog kaga qaaday oday Muwaadin ah oo 80 jir ah kaasi oo inta dhulkiisii xoog lagaga qaaday la galiyey ciidan koofiyad cas ah, falkaasi oo Sheekh Aadan Siiro ku tilmaamay mid dulmi ah oo aan la aqbali Karin isaga oo Madaxweynaha ugu baaqay in uu muwaadinkaasi dhulkiisa degdeg u celiyo.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa khudbaddii uu shalay ka jeediyey Masaajidka QUBA ee xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa waxa uu si faahfaahsan ugaga hadlay dhibaatada uu leeyahay dulmigu waliba dulmiga ka yimaadda dadka masuuliyadda u haya umadda ay xukumaan isaga oo Sheekhu u soo qaatay daliilo sharci ah iyo axaadiis tilmaamaysa dhibka dulmigu leeyahay. Sheekh Aadan Siiro waxa uu ku nuuxnuuxsaday dhibaatadii dalkan soo martay iyo qaxii iyo dagaaladii taasi oo uu keenay dulmigu, kana digay in mar labaad umaddani kala yaacdo haddii ay is dulmiyaan oo dadka wax-garadka ahina ay waxba ka qaban waayaan oo ka damqan waayaan.

Sheekh Aadan Siiro oo Arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu khudbaddiisa ku yidhi sidan: “Islaamku waa Diin Nasiixo ah oo ku talinaysa ama dhiirri gelinaysa in la isla taliyo oo wax la isu sheego. Guud ahaan shareecada Islaamku waxa ay u taagan tahay waxa weeyi in la isu nasteexeeyo oo wanaagga la isu tilmaamo. Rasuulkeenii Mudnaa NNKHA waxa uu yidhi: “Haddii dadka la siinayo waxa ay iska sheeganayaan. Haddii nin waliba waxa uu iska jeclaado ee uu iska sheegto la siinayo, rag badan baa sheegan lahaa Hanti dad leeyihiin iyo dhiiggooda ayaa dad iska sheegan lahaa”. Laakiin Islaamku waxa uu sharciyeeyey in Marka uu qofku wax sheegto in ay saaran tahay in uu caddeeyo waxa uu sheeganayo in uu Marag u haysto. Waa in uu caddaysanayo waxa uu sheeganayo haddii ay diidmo timaaddo maragna la waayana dhaarbaa lagu caddaynayaa” ayuu yidhi Rasuulku SCW. Subxaanallaah!!.

Walaalayaal waynu qaxnay oo dhib badan baa innagu dhacday. Miyaa Ilaahay SWT ummad dhibaa?, haddii Ilaahay SWT cid dhibayo kuwaa dhagaxaanta caabudaya ee guryaha ay dhisteen daruuraha dhaafeen ayaa Ilaahay ka dumin lahaa. Ilaahay waxa uu yidhi bani aadamka aan Ilaahay rumaysnayn wixii ay shaqaysteen adduunyada ayaanu ugu horumarinay. Macnaheedu waxa weeyi in ay Sunnaha Ilaahay ka mid tahay qofku isaga oo gaal ah in aan gaalnimo lagu dumin baa sunnayaasha Ilaahay ka mid ah. Ilaahay ummad ma dumiyo, Ilaahay ummad ma qixiyo haddii aanay iyagu is dulimiyin marka hore. Dhib weyn baa innagu dhacday oo waad ogaydeen. Ilkaha ayaynu ku wada qaadanay wax walba. Waadigii ogaa halkii la innoo hurgufay. Waddankeenii baynu nimid, Ilaahay baa inna siiyay. Isaga ayaa wax walba oo wanaag ah bixiya. Waddankan Ilaahay innagu abuuray waxa badan dadka dhallinyarada ah. Waa nicmooyinka Ilaahay bixiyo ee qaaliga ah. Balse yaa garanaya wanaaggaasi. Maxayse kaaga taallaa marka dadku wanaagga garan waayo. Guryo dad leeyihiin baa dad iska sheegteen. Hadda waa Guryo dhisan oo la garanayo ciddii lahayd oo la garanayo wakhtigii la dhisay ayaa qof bani aadam ahi iska sheeganayaa guryo dad leeyihiin”.

“Dhulal intaasi oo Kiiloo Mitir ah ayaa qof qaadanayaa isaga oo suldaddda iyo awooddiisa isticmaalaya umaddu leedahay. 1440 sannadood ka hor wixii uu Rasuulku ka digay ayaynu maanta u taaganahay oo ah in qofku waxa dadku leeyahay iska qaato oo dhaco. Qof awood sheeganaya, qof xil dawladeed sheeganaya, in oday 80 Jir ah oo soo tabcaday hantidiisa uu qaato oo uu waliba sharci la’aan uu ku qaato, Ilaahay ha inaga badbaadiyee, iyada oo dadkii ay wada taagan yihiin, iyada oo dadkii ay wada arkayaan. Bal u fiirsada kuwa maanta dadka u taliyaa waxa ay samaynayaan oo ku eega xadiiskaasi aan soo sheegnay. Taasi ma wax sharciga ku bannaanbaa?, laakiin dadka damiirkoodii, dadnimadoodii, garashadoodii xaggay maanta maraysaa?.

“Dadkii wanaagsanaa ee islaamka soo maray bal waxa aad barbar dhigtaa kuwa maamulkeena ah ee maanta jooga. Cabbaas Binu Cabdul Mudalib oo Nabiga NNKHS adeerkii ah ayaa Cumar Binu Khaddaab ka diiday in uu baloodh masaajidka nabiga u dhawaa ka iibiyo ama masaajidka ku daro maadaama masaajidku uu cidhiidhi ahaa. Amiirul mu’miniinkii Cumar ayaa laga diidayay hantida dadku lahaayeen ee gaarka ah waliba iyada oo lagu yidhi ama naga iibi ama masaajidka ku dar. Bal maxaad u malaynaysaa kuweena maanta jooga?,. Cabbaas oo Nabiga adeerkii ah ayaa yidhi horta sharci ma u leeyahay in aan diido in aan iibiyo dhulkayga ama bixiyo. Hadda waxa laga hadlayaa waa Masaajidka nabiga. Waxa uu yidhi: “Horta caddeeya in aan anigu sharci u leeyahay dhulkayga”. Markii ay qireen ee loo sheegay in aan khasab lagu lahayn ayuu yidhi Dhulkaasi anaa bixiyay haddaba oo masaajidka Nabiga ku daray. “Laba arrimood baan diiday markii aan Amiirul Mu’miniinka ku idhi kaama iibinayo kumana siinayo. Waayo Amiirul Mu’miniinku inta uu igu soo kallahay ayuubuu hadal yar oo caadi ah iska yidhi amma naga iibi ama ku dar masaajidka markaasaan anna idhi maya”. Bal u fiirsada walaalayaal maanta waxa dalkeena ka jira nin sharci ku fadhiya oo Madaxweyne ah. Nin Waraaqo sita sharci ah oo Afar maxkamadood ay u xukumeen dhulkiisa oo Muslim ah oo 80 Jir ah dhulkiisa inuu ciidan galiyo oo xoog kaga qaado 2200 oo Baloodh oo uu waliba yidhaa Madaxtooyo ayaan ka dhigayaa!!. Caqli iyo sharci toona ma aha wax la aqbali karo. Haddii ay diini jirto, haddii ay karaamo jirto, haddii ay dadnimo jirto, haddii damiir nooli jiro, haddii dad wax garanayaa jiraan, waxaasi wax la aqbali karayo maaha.

Arrintaasi oo kale kama ay dhicin taliskii aynu la dagaalanay 2200 oo Baloodh oo Maxkamad sharci ahi ay xukuntay oo ay Afar maxkamadood xukumeen in qof sharciyad ku fadhiyaa uu iska yidhaa xoog baan qaadanayaa oo waliba ciidan dhiso, oo waliba kaa laga qaaday cashuurtii uu bixinayay lagu siiyo ciidanka wax oo Hargeysa oo 1,2-Milyan qof ay ku nool yihiin ay dhagaystaan oo ay daawadaan wax la aqbali karo ma aha sharci ahaan iyo caqli ahaan toona. Haddii ay taasi shaqaynayso oo qof walba sida uu doonayo uu yeelayo, adeer ama madaxweyne ha noqdo ama wasiir ha noqdee ama nin garoomo cascas ha noqdee waa wixii Hargeysi ku duntay dulmigaasi, waa wixii hore loogu qaxay, waa wax lagu qixi doono haddii uu dulmigu bato. Waar dulmiga ka dhawrsada. Ma jiraan damiir nooli, ma jiraa wax xaqa u gargaarayaa, ma jiraa wax dulmiga diidayaa?, waar ka daa baanu leenahay Madaxweynaha waar waa lagu jabayaaye ka daa baanu leenahay. Halka laga bilaabo illaa xadka aynu Itoobiya la leenahay meel aan qof lahayni ma jirto. Halka aan joogno illaa aad xeebta tagto dhul aan la lahayni ma jirto, halkaa haddii aad ka bilawdo illaa Hawd guntii dhul aan calaamadsanayni ma jiro waar dulmiga ka daaya dadka. Marka la banneeyey in qofku dhiidhiyaa waa marka qofka hantidiisa lagu qabsado. In badan baan ka warwareegay in aan qaddiyadaasi ka hadlo laakiin markii aan arkay in aan cidi ka hadlayn waxay igu kalliftay in aan maanta ka hadlo inta aan la I waydiin qiyaamaha dhacdo aad u taagnayd maxaad uga hadli wayday.”.

Dhinaca kale Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan Siiro) waxa uu Madaxweynaha ku booriyey in haddii uu wax ka baddal ku samaynayo xukuumaddiisa uu soo doorto qofka ku habboon meesha loo magacaabayo isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Hore ayaa Rasuulkeenu u sheegay in qofka xil loo magacaayo loo eego waxaa uu qabanayo in uu yahay kan ugu wanaagsan dadka dhexdiisa. Haddii qofka la magacaabayo qof uga aqoon badan meesha loo dhiibayaa uu joogo waa khiyaamo weyn. Maanta ayay gaaladu ogaadeen oo ay yidhaahdeen ‘The Right Man for the Right Position’. Islaamkuna 1440 sano ka hor ayuu sheegay. Madaxweynaha waxaanu ku boorinaynaa in uu xusho dad ku habboon xilalka loo dhiibayo iyo masuuliyadda la saarayo”.

Ugu dambayn Sheekh Aadan Siiro waxa uu Masaajidka uga duceeyey Abwaanka weyn ee Saxardiid Maxamed Jabiye oo ka mid ahaa odayaasha Masaajidka ku xidhnaa oo muddoba xanuusanayay. Saxardiid waxa lagu xasuustaa doorkii uu ka soo qaatay Fanka iyo Suugaanta gaar ahaan xornimo doonkii.

Comments

comments