Somaliland: Nuxurka Kulan Madaxweyne Biixi La Yeeshay Wefti Ka Socday Qaramada Midoobay Iyo Urur-Goboleedka IGAD

177

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Md Maxamuud Warsame Jaamac oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Weftigan uu Madaxweynuhu kulanka la yeeshay ayaa waxay ka kala socday Qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, waxaana kala hoggaaminayey Ku-xigeenka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee urur-goboleedka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxaanay labada dhinac kulankaas diiradda ku saareen arrimo door ah oo dhinacyada nabadgelyada iyo iskaashiga ah.

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee ka kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, waxaanay sidoo kale si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha bani’aadamnimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaanay xubnaha weftigu madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu ugu heellan yahay in xukuumadda uu hoggaamiyaa kor u qaaddo xidhiidhka ay leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo ergayga Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan  midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Comments

comments