Somaliland: Milicsiga Wargeyska Mudane Madaxweyne; Cudurkii Fardaha Galay Ma Dameeraad Ka Gubtay?

126

Shalay, Madaxweyne Biixi waxa uu isku shaandhayn ku sameeyey qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha.

Isku shaandhaynta madaxweynuhu waxa ay timi sannad kaddib doorashadii qabsoontay kal hore, xilli ay shacabku si aad ah uga deyrinayaan tayada iyo miisaanka xubanaha golihiisa xukuumadda.

Isku shaandhayntan ayaa ahayd mid muddo ay shacabku sugayeen, iyagoo ka rejo qabay bal in Madaxweynuhu marka labaad ee uu ku noqdo dhismaha xukuumadiisa, uu shacabka horkeeno gole ay ku qancaan.

Hase yeeshe ee, sidaas ma’ay noqon oo natiijada isku shaandhaynta uu Madaxweyne Biixi sameeyay, waxa ay shacabku kaga falceliyeen dareen isku mid u badan oo laga dareemay baraha bulshadu ku xidhiidho iyo madalaha dadka siyaasadda gorfeeya iyo aqoonyahanku isugu yimaaddaan badankooda. Hal-qabsiga u muuqday in uu isticmaalka dadka ugu badnaa shalayna waxa uu noqday “Hadduu sii go’ay”.

Sababo dhawr ah awgood ayaa mudan in laga garaabo dareenka taban ee sida isku midka ah looga bixiyey isku shaandhaynta uu Madaxweynuhu sameeyey.

Waa marka koowaad ee shacabku waxay filayeen in Madaxweynuhu soo dhiso xukuumad ugu yaraan u babac dhigi karta caqabadaha siyaasadeed ee ka jira dalka gudihiisa iyo weliba siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo uu ciirciir badani ka muuqdo, xilli ay gobalka Geeska Afrika ka socdaan isbedelo siyaasadeed oo gun iyo baar ah, si xawli ahna u socda.

Marka laga tago siyaasadda arrimaha gudaha oo dhaliilo badani ka jiraan iyo baahida loo qabo in la isku soo ururiyo shacabkii ay doorashadii kal hore kala qaybisay, baahida ugu weyn ee soo raacday ee ay Somaliland maanta qabtaa waa xoojinta iyo tayeynta siyaasadda arrimaha dibadda. Waxaa muddooyinkii u dambeeyey isa soo tarayey dhaliilo tiro badan oo ku waajahan siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland oo ay dad badani qabaan cabsi ah inay hoos u sii socoto.

Isku shaandhayntii shalay qof kasta oo sugayey waxa uu filayey in ay saxdo dhaliishaas arrimaha dibadda, sida muuqatana farriintu waa ay gaadhay madaxweyne Biixi, waxaanu Wasiirkii arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ka bedelay wasaaradii, isagoo u magacaabay wasiirka maaliyadda. Laakiin waxa ay su’aasha markiiba maanka ku soo degdegeysaa tahay, Madaxweynuhu ma dhayey nabarkii arrimaha dibadda ee muddo lagu dhaliilayey bukaanka?

Waxa uu xilka arrimaha dibadda u magacaabay wasiirkiisii hore ee waxbarashada mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), taas oo mar kale soo muujisay in ay sii socon doonto dhaliishii ka jirtay arrimaha dibaddu.

Waa suurtagal in madaxweyne Biixi uu niyadda ku hayey in uu saxo dheelliga cad ee ku jira saami qaybsiga golihiisa xukuumadda. Laakiin ildheerida siyaasadeed ee looga baahnaa ayaa ah in is le’egta halka uu ka saxayo iyo sida uu u saxayo qudheedu aanay keenin dhaawac kale oo khatar ku noqon kara siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. Waxa muuqata in uu Madaxweyne Biixi ilduufay in uu xilka iyo xilsidaha is waafajiyo oo uu mansab kasta masuulka ku saxda ah u dhiibo.

Baahida ugu badan ee ay Somaliland maanta qabtaa waa siyaasadda arrimaha gudaha iyo siyaasadda dibadda oo u baahan aqoon, karti iyo tab iyo xeelad diblumaasiyadeed oo ka dabbaalan karta mawdajaha kacsan ee gobalka. Maalmaha soo socda ayaana ka marag noqon doona sida ay mar labaad wasaaraddii arrimaha dibaddu u weyday gaadiid qaad xambaara.

Marka aynu dhinaca kale ee isku shaandhayntii shalay eegno, waxaa muuqata in madaxweyne Biixi muhiimad siiyey maaliyadda dalka oo dabcan ah halka uu ka imanayo koboca iyo horumarka dhaqaale ee dadku ka sugayaan. In uu madaxweynuhu wasaaraddan u dhiibo wasiir Sacad oo arrimaha horumarinta dhaqaalaha bartay, kana soo shaqeeyey hay’ado maaliyadeed, sida oo kalana muddo soo hayey wasaaradda qorshayntu waa farriin fiican oo aynu ka garan karno in xoogga madaxweynuhu saaran yahay arrimaha maaliyadda. Waxa se muhiim ahayd in uu xasuusnaado in muhiimad tan le’eg ama ka weyna ay u baahan tahay wasaaradda arrimaha dibaddu.

Madaxweyne Biixi, wuxuu gebi ahaanba meesha ka saaray dhammaan masuuliyiintii wasaaradda waxbarashada sida wasiirkii oo uu u magacaabay wasiirka khaarajiga, wasiir-xigeenka oo uu u bedelay wasiir-xigeenka maaliyadda, agaasimihii guud oo uu isna ka dhigay xubin ka tirsan guddiga tacliinta sare, waxaanau wasaaradii waxbarashada keenay saddex masuul oo cusub, isagoo weliba wasiirku aan ku jirin xukuumadda, halka ay agaasimaha iyo wasiir-xigeenku ka tirsanayeen xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Wasaaradda waxbarashadu waxa ay ka mid tahay wasaaradaha muhiimka u ah qaranka, muddooyinkii u dambeeyey waxaa ka jiray dhaliilo la xidhiidha wada shaqaynta wasaaradda iyo waxbarashada gaarka loo leeyahay oo tacliinta sare iyo dugsiyaduba ka mid yihiin. Waxaa isna taagan muranka xeer wasaaraddu waddo oo ay doonayso in lagu dhaqo jaamacadaha dalka. Muddadii ay xukuumadda madaxweyne Biixi jirtay wax muuqda lagama qaban waxbarashada, manhajka oo uu madaxweynuhu dugsiyada hoose dhexe ee dawladda bilaash ugu dhigayna natiijada ka soo baxday waxa ay noqotay in manhajkii kala go’o oo waxbarashada dugsiyadu bilo ku socoto ardayda oo aanay buugaagtu u dhammayn. Waa suurtagal in madaxweynuhu dhaliilahaas dareensanaa markii uu masuuliyiintii hore dhammaantood ka dareeriyey xafiisyada waxbarashada, laakiin su’aashu waxa ay tahay wejiyada cusub ee uu mar keliya isugu keenay ma ka dabbaalan karaan hawsha baaxadda leh ee ay ku cusub yihiin. Waa su’aal waqtigu ka jawaabi doono?

Ugu dambayntii; wareegtada madaxweyne Biixi waxaa mar kale ka muuqata dheelitirnaan la’aantii saami qaybsiga mansabyada muhiimka ah ee dalka ka jirtay. Lama diidi karo in Somaliland ay ku dhisan tahay dimuqraadiyad dhaqankii qabiilka raalli gelisa. Dhaliisha ugu weyn ee sannadkii u dambeeyey jirtay, midhaheeda oo aan macaanayna la arkay waxa ay ahayd dheelliga ku jiray xukuumadda madaxweyne Biixi ee dhinaca beelaha.

Rejo badan ayaa laga qabay in madaxweynuhu markan sixi doono dhaliishaas oo uu dheellitir dhinaca saamiyada ah samayn doono si uu u mideeyo umadda reer Somaliland oo maanta ay tahay intii taariikdha Somaliland jirtay maalintii ay ugu baahi badnayd in ay midowdo. Madaxweyne Biixi waxa uu sameeyey isku shaandhayn sii kordhisay dheelligii, waana farriin caddaynaysa in aanu weli garowsan dhaliisha dhinaca saami qaybsiga ee muddo 300 oo maalmood ka badan lagu celcelinayey.

Isku soo wada duub, waa suurtagal in madaxweyne Biixi leeyahay qorshe uu ku sii wadi doono isku shaandhaynta si uu u saxo dheelliga saamiqaybsiga, laakiin isku shaandhayntii shalay waxay mutaysatay in lagu qaabilo, ‘Hadduu sii go’ay’ waxa aanay abuurtay dareen ah in madaxweyne Biixi uu weli cudurkii fardaha galay dameero ka gubayo. ‘Kud ka guur oo qanjo u guur’.

Comments

comments