War Deg Deg Ah: Xisaabiyihii Guud iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Hadda looga Yeedhay Madaxtooyadda iyo Arin Xasaasi ah oo lagala hadlayo.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud iyo Wasiirka maaliyadda oo maalmihii u dambeeyay Khilaaf xoog lihi  ka dhex aloosnaa ayaa hadda looga yeedhay Madaxtooyadda Somaliland.

Wararka illaa hadda soo gaadhay Caroog.net ayaa sheegaya in Madaxweynuhu u yeedhay si uu xal ugu helo khilaafka ka dhex taagan labadan masuul oo ku saabsan dhinaca maamulka.

 

Wasiirka maaliyadda ayaa doraad qoraal uu warbaahinta u qaybiyay sheegay inuu khilaafkaasi dhamaaday balse warkaasi ayaa beenoobay marka loo eego arimaha hadda taagan.

 

Wararkan oo faah faahsan Goordhaw filo.

Comments

comments