Thierry Henry Oo Saadaaliyay Xiddigaha Hanan Doona Ballon d’Or Xilli Uu Si Wadajir Ah Iskaga Indho Tiray Cristiano Ronaldo, Lionel Messi & Luka Modric!!.

Halyeeyga kooxaha Arsenal iyo Barcelona haatana ah tababaraha rasmiga ah ee kooxda AS Monaco ayaa noqday shaqsigii ugu dambeeyay ee soo dhex gala dooda xiddiga ay tahay in loo gacan geliyo abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or.

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Luka Modric ayaa noqday shaqsi wacdaro ka dhigay abaalmarinaha shaqsiga ah ee dhawaanahan la bixiyay kaddib markii uu si wadajir ah u hantay The Best iyo Xiddiga sanadka ee Yurub.

Haddaba, Henry ayaa si layaab leh iskaga indho tiray xiddigaha la filayo inuu loolanka ugu weyni dhex maro ee Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Luka Modric isaga oo tilmaamay in xiddigaha xulka France amaba Eden Hazard ay tahay inuu hanto abaalmarintaas.

Hoggaamiyaha Monaco ayaa yidhi “Waxay noqon doontaa dib udhac hadii xiddig France ah amaba Eden Hazard uu guuleysan waayo”

Hadalka Henry ayaa laga dhex akhrisan karaa inuu diiday kala doorashada xiddigaha dalkiisa ee France balse uu si gaar ah u carabaabay Hazard oo uu kula soo shaqeeyay xulka qaranka Belgium.

Henry ayaa aaminsan in Hazard uu koobkii aduunka ahaa xiddigii ugu fiicnaa ee tartankaas isaga oo markale sheegay in xiddigaha France ay suurogal tahay in la hoos dhigo balse ay kubadda cagta France u fiicnaan lahayd inay hantaan.

Comments

comments