Guurka Gabadh Falastiiniyad Ah Iyo Wiil Yuhuudi Ah Oo Cadho Xooggan Ka Abuuray Dalalka Israel Iyo Carabta

Gabadh reer Falastiin oo war tebiye ka aha mid ka mid ah taleefishinada Israel oo lagu magacaabo Lucy Aharish ayaa lagu eedeeyey in ay doonayso waxyeeleynta Israel kaddib markii ay guursatay lamaaneheeda ah jilaa isna Israeli ah Tsahi Halevi shalay. Tan baddalkeeda waxa iyana ka cadhooday warkan dadka reer Falastiin oo u arka in ay cadaw hoosta soo gashatay.

“Waxaan saxiixeynaa heshiis nabadeed,” waxaa sidaas ku kaftamay labada lamaane xilli ay fidinayeen casuumadda arooskooda, sida ay qortay majaladda Hayom oo ka mid ah wargeysyada ugu caansan dalka Israel oo arrinkan wax ka qortay.

Xubin ka tirsan baarlamanka Israel ee Knesset, Oren Hazan ayaa ku baaqay in la joojiyo Yuhuudeynta isaga oo yidhi: “Ku Eedeyn maayo Lucy Aharsih in ay shukaansato naf Yuhuudi ah iyada oo ka leh hadaf ay ku dhaawaceyso dalkeenna iyo in ay is hortaagto in ay dhashaan farac Yuhuud ah oo sii wada dhaxalka Yuhuudda, taas cagsigeeda, haddii ay iyadu is bedeleyso waan soo dhaweyneynaa.”

Guurkaas waxaa sidoo kale meesha ka saaray Arye Deri, oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha ee Israel oo sheegay in aanay ogolayn sida guurkaasi u dhacayo. “Waa arrin iyaga u gaar ah. Laakiin, ka Yuhuudi ahaan, waa in aan kuu sheego in aan waxyaabaha ceynkaas ah ka soo horjeedo iyada oo ay sababtu tahay waajibka naga saaran ilaalinta dadka Yuhuudda ah,” ayuu Deri ku siiyey wareysi Raadiyaha ciidamada ee Israel la yeeshay. “Carruurtoodu way guuri doonaan, dugsi ayey tagi doonaan oo mar dambena wey guursan doonaan, waxa ayna wajihi doonaan dhibaatooyin adag.”

Ninkan calmaday haweenayda Falastiiniyadda ah ee Halevi ayaa ah jilaa Yuhuudi ah balse aad ugu hadla luuqadda Carabiga, waxa uu hore u ahaa taliye qarsoon oo ka hawl-gali jiray xuduudaha Falastiiniyiinta – door oo aad ugu soo caan baxay markii uu ka soo muuqday filimka taxanaha ah ee Netflix series “Fauda”.

Aharish oo ah Falastiiniyad, waxa ay noqotay Muslimaddii ugu horreysay haddana ah Carabiyad oo tabiye ka noqota telefishinka afka Hebrew-ga ku hadla ee Israel. Waxa ay qabatay wareysiyo ay la yeesheen saxaafadda, iyo in ay haybsooc kala kulantay Israel iyo cadaadis kaga yimi qoyskeeda oo la xidhiidha guur ka baxsan diinta Islam-ka. Waxa kale oo arrinkaa ka xumaaday xukuumadda reer Falastiin oo sheegay in wakhti dalkooda ay Yuhuuddu gumaadayaan ay gabadhaasi u hawooto wiil Yuhuudi ah. Aharish waxa ay hoos u dhigtay eedeymaha la xidhiidha guurkeeda iyada oo sheegtay in ay jiraan waxyaabo kale oo nolosheeda uga muhiimsan oo ay tahay in ay la tacaasho. Waxa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay ninka ay doratay oo ay sheegtay in uu dadnimo badan yahay. Waxaanay xaaladdani keentay cadho xooggan oo labada dhinac ah.

Comments

comments