Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hambalyo U Diray Shacabka Reer Somaliland + Muuqaal

202

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hambalyo U Diray Shacabka Reer Somaliland + Muuqaal

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka reer Somaliland iyo ummadda Islaamkaba ku Hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxada Awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasabadda ciidul-adxada oo habeenka caawa ah ku beegan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan shucuubta Islaamka Eebbe uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo, isaga oo xujayda sanadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.

Comments

comments

SHARE