Somaliland: Taliye Caare Oo Markii Ugu Horaysay Ka Jawaabay Hadalkii,Wasiirka Maaliyada Somaliland,Ku Weeraray,Halka Uu Ku Sugan Yahay Iyo Qorshaha Uu Maleegaayo

259

Taliye Caare Oo Markii Ugu Horaysay Ka Jawaabay Hadalkii,Wasiirka Maaliyada Somaliland,Ku Weeraray,Halka Uu Ku Sugan Yahay Iyo Qorshaha Uu Maleegaayo Taliye Caare Ayaa Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay,Hadalo Xanaf Leh Oo Wasiirka Maaliyada Somaliland Ku Duray Taliyaha Ku Dhawaaqay Jabhada La Dagaalamaysa Xukuumada Madaxweyne Biixi,

Caare Oo Warbaahinta Burco Khadka Telefonka Kula Xidhiidhay,Ugu Horayn Waxaa La Weydiiyey Sida Uu U Arko Hadalkii Kasoo Yeedhay Wasiirka Maaliyada Somaliland,Waxaanu Ku Jawaabay”Ninka Hadalkiisa Waan Dhegaystay Cirdigayga Iyo Sharaftayda Ayuu Ku Duulay,Waxaanay Muujinaysa Aqoonta Wasiirada Uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi,”Wasiirku Ma Ogo Musuqa Iyo Fadeexada Hadhaysay Kursiga Uu Fadhiyo Hadu Wax Qabanaayo Kaas Ayuu Wax Ka Qaban Lahaa,

Taliye Caare Oo Hadalkiisa Sii Wata Wuxuu Yidhi,,Isaga U Jawabi Maayo Waxaan Fariin U Diraya Madxweyne Muuse Biixi Oo Aan Leeyahay,Dadka U Cadaalad Soor Intaad Halka Joogto Kolay Waa Laguugu Imane,

Taliye Caare Mar Laweydiiyey Halka Uu Ku Sugan Yahay Wuxuu Sheegay Inuu Joogo Somaliland Gaar Ahaan Jiida Hore,Sidoo Kale Wuxuu Iclaamiyey Shir Jara,id Oo Uu Maanta Qaban Doono Kaas Oo Ku Iclaaminaayo Saldhig Uu Ka Samaysanaayo Duleedka Magaalada Qardho,

Comments

comments

SHARE