Deg Deg: Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Madaxweyne Gaas Iyo Ku Xigeenkiisa + Dacwadii Oo Gaadhay Madaxweyne Farmaajo Balse Muxu Ka Yidhi

174

Deg Deg: Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Madaxweyne Gaas Iyo Ku Xigeenkiisa + Dacwadii Oo Gaadhay Madaxweyne Farmaajo Balse Muxu Ka Yidhi

Khilaaf Xadhkaha Goostay Oo U Dhexeeya Madaxweyne Gaas Iyo Ku Xigeenkiisa Camey+Sababaha Laysku Maandhaafay Iyo Dacwad La Gaadhsiiyey Xukuumada FARAMAAJO
Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliya eePuntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenkiisaCabdixakiim Cumar Camey oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho,.
Is-faham-waaga labada mas’uul ayaa soo bilowdey bishii hore, markaasoo ay isku khilaafeen arrimo la xidhiidha doorashadda oo waqti yari u hadhay. waxaanay wararkuxaqiijinayaan in iminka uu Cabdi-weli Gaas ku amray Mr.Camey in uu dib ugu soo noqdo xarunta maamulkoodda ee Garowe kaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa dhinacaa iyoMuqdisho.

Hase ahaatee, sida ay ilo wareedyada ka ag dhaw maamul goboleedkaPuntland ku warramayaan Eng.Camey waa uuku Gacanseydhaydalabkii ahaa in uu ku soo noqdo xaruntoodaGarowe ,taasoo ooaakhirkii keentayin ayGaasiyo CaameyTelefoonka hadal adag-adag isku weydaarsadaan.
Arrintan ayaa imanaysa ka dib la sheegay in Eng.Camey uu Muqdisho u yimi ,si uu taageero uga helo maamulka farmaajo maadama uuhadanadhawaan ku dhawaaqi doono inuumurashax u yahay xilka madaxweyne ku-xigeenka m.goboleedka Soomaliya eePuntlnad.
Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka eePuntand .,Ayaa waxaa uuhadda degan-yahay mid ka mida Hotel-lada MagaaladaMuqdisho. waxaa xogo kale oo hooseku waramayaan in uu Muqdisho ku casumay Raisul Wasaaraha Somaaliya Xassan Cali Kheyre oo si gaar ah u doonaya in uu ku taageero tartanka doorashada eesanadka soo socda bilowgiisa ka dhici doona maamul goboleedka somaliya eePuntland..Hase ahaatee, waxaan la saadaalin karin halka uu ku biyo shuban doono dagaalka siyaasadeed ee ka dhex-qarxay Cabdiweli Gaas iyo ku -xigeenkiisamr.Camey.

Comments

comments

SHARE