Itoobiye: Dawladda Federaalka Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Waxa Ay Ka Yeelayso Ciidamadii Liyuu Booliska Ee Daacadda U Ahaa Cabdi Ilaygii Kililka

117

Ciidamada Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadlay markii ugu horraysay waxa ay ka yeelayaan Ciidamada loo yaqaano Liyuu Booliska ee Kililka shanaad oo ah ciidamadii u daacadda ahaa Madaxweynihii dhawaan xilka iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) kuwaasi oo in badan shacabka Kililka shanaad iyo itoobiya inteeda kaleba hadal haysay waxa ay xukuumadda dhexe ka yeeli doonto.

Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeedhay wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.

Waxaana caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa hore usii joogay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka kooban ayna ku jiraan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanku.

Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta mas’uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo shaqadooda iyo isla xisaabtan.

Dhanka kale, taliye sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa Laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda BBC u sheegay in aanu hadda jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliiska loo yaqaano, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Sarreeye gaas Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xidhiidhka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya.shacabka Kililka shanaad ayaa dhibaato weyn ku qaba Ciidamada Liyuu Booliska.

 

Comments

comments

SHARE