WARRAN-CADDE Oo Sheegay In Madaxweynuhu Sugayo Cid Ka Socota Beeshii Ku Shirtay Gacan-libaax, Diyaarna U Yahay Inuu Hoos U Eego Qodobbadii Ka Soo Baxay

Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha, imikana ah La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warran-cadde, ayaa ka hadlay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Beesha Gar-xajis ku qabsatay Buurta Gacan-libaax ee Gobolka Saaxil.

Cali Maxamed Warran-cadde wuxuu sheegay inuu Dadkii Shirkaa Maamulayey ku dhaliilayo in aan illaa hadda laga haynin Guddi Dawladda u gudbisa Tabashada ay tirsanayaan ee marka hore keentay inay qabtaan Shirkaasi.

La-taliye Warran-cadde ayaa ugu horreyn sheegay inuu sidiisaba ka soo horjeedo Shir-beeleedyada Somaliland ka dhaca, maaddaama buu yidhi ay Waxyeelo ku yihiin Nidaamka Dawladnimo, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya “Anigu lama dhacsani Beelaha shira, waayo? waa dhaqan xun oo innagu fiday, Beeshu Qaranka ayay ka mid tahay, markaa had iyo jeer Beelaha yidhaahda haddii aanu nahay Beel heblaayo waanu shiraynaa waxaad mooddaa dhaqankeena Dawladnimo inay waxyeelo weyn ku tahay.”

Cali Warran-cadde oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa si gaar ah u sheegay in Beeshii ku shirtay Buurta Gacan-libaax aanay weli Madaxweynaha iyo Dawladda soo gaadhsiin wixii ay tabanayeen, si buu yidhi looga wada-hadlo oo loo dhameeyo “Waxaan ku dhaliilayaa weli maan maqal Guddigii ka daba iman lahayd wixii ay sheegeen (Beesha Gacan-libaax ku shirtay), ka dibna u tagi lahayd Madaxweynaha iyo Ciddii kale ee ay ka cabanayaan ee ay wax u sheeganayaan ee ka doodi lahayd, maaddaama oo diyaar loo yahay in la dhegaysto oo wixii daw ah looga garaabo oo waxna looga qabto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Iyaga iyo Beelaha kale ee Cawdaba Madaxweynuhu diyaar ayuu u yahay, waxaanu jecel yahay inuu arko Dadkiisa oo wada raali ah oo si Caddaalad ah wax ku haysta inuu arko, markaa maaddaama oo ay Madaxweynaha iyo Dawladdaba ka go’an tahay in Caddaalad ay Dadku ku dhaqmaan oo Somaliland Caddaalad laga simo, Ciddii wax tirsanaysaba aad baa loogu baahan yahay inay keenaan waxa ay ka cabanayaan, dabadeedna la xalliyo.”

La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay Qorshayaal Dawladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay ku kala qaybiso Bulshada Somaliland, isagoo si aan caddayn uga hadlay laba Sarkaal oo la sheegay inay dhawaan cadho uga goosteen Ciidammada Qaranka JSL “Dawladda Soomaaliya waad maqlayseen siday uga qaylinayso horumarka inoo kordha, dunidu hadday wax inna siinayso siday uga qaylinayeen waad arkayseen, markaa inay isku-dayaan inay dad kooban dhexdeena ka duufsadaan oo waxaan jirin u ballan-qaadaan (Waxaan in aanay waxba u kordhinayn), Waayo? waxaan qabaa in haddii aynu isku qaad-qaadno Dawladda Somaliland ka itaal-roon tahay Soomaaliya, markaa Nin u gala iyo Nin kale oo wax u kordhin karayaa haba yaraatee ma jiro. Midda kale waxa lagu heshiiyey oo Shacabkuna raali ka ahaa in laba Beelood oo dambe la isku siideyne ay Dawladdu wax ka qabato Beesha gar-daran oo ay awooddeeda Milletari wax kaga qabato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sida uu u arko Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi “Wasiirradu waxay ka yimaaddaan Shacabka, hadduu Shacabku wanaagsan yahay Wasiir Wanaagsan ayuu Madaxweynuhu dooran karaa, haddiise uu shacabku yahay Shacab Qabyaaladdu naafaysay oo Qarannimo la’aantu naafaysay, Qaranimadana ay Qabyaaladda ka horreysiiyaan waxa inoo soo baxaya Wasiir Qabiili ah, Waayo? Madaxweynuhu Shacabka ayuu ka soo xulanayaa Wasiirrada.”

Cali Warran-cadde oo la waydiiyey in sababta uu Madaxweyne Biixi uu Xil-Wasiirnimo ugu Magacaabi waayay tahay inuu saluugay shaqadiisii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa ku jawaabay “Runtii, Muuse weligayo Saaxiib-baanu ahayn, siyaasadda inaan soo galo Raggii sababta u ahaa ayuu ahaa, wakhtiyo uu Mucaarad ahaa, Aniguna aan Wasiirka Arrimaha gudaha ahaa, wuu ila shaqayn jiray, wuu ila talin jiray, markaa arrintaasi maaha arrin wax ka jiraan. Anigu Wasiirnimo badan ayaa soo maray, Wasaarad aan is leeyahay way kuu dhiman tahay ma jirto, kuwo aanan jeclayn (Mooyaane), Maantana waxaan ahay la Taliyihiisa gaarka ah, markaan Wasiirka ahaa waxaan ahaa Qof shaqaale ah oo la amro, imika oo aan la Taliyihiisa gaarka ah ahayna waxaan ku idhaahdaa ‘Madaxweyne sidaa maaha ee sidan yeel’, markaa halka uu ii magacaabay ee Maanta joogo ayaa Wasiirnimada ka qiimo badan, mabsuudna waan ku ahay, meel iiga wanaagsan halkana kuma ogi, markaa hadduu I neceb yahay igamuu dhigteen ‘La Taliyihiisa gaarka ah’.”ayuu yidhi.

Comments

comments

SHARE