Mas’uul ka tirsan kooxda Bayern Munich oo weerar ku qaaday Cristiano Ronaldo

187

Madaxa suuq geynta kooxda reer Germany ee Bayern Munich Joerg Wacker ayaa si weyn kaga soo hor jeestay heshiiskii uu Cristiano Ronaldo ugu dhaqaaqay Juventus.

Juventus ayaa suuqan xagaaga sameesay saxiixa Cristiano Ronaldo kadib markii ay kagala soo wareegtay Real Madrid 100 milyan oo euros, waxayna sanadkii mushaar ahaan u siin doontaa 30 milyan euros.

Joerg Wacker ayaa sheegay in xiligan saxiixa Cristiano Ronaldo uusan ku habooneen kooxdiisa Bayern Munich.

“Heshiiska Cristiano Ronaldo ee dhanka suuqa kala iibsiga, ma ahan mid ku habboon Bayern Munich”.

“Wuxuu noqon kartaa heshiis u wanaagsan kooxaha kale, laakiin ma ahan inaga, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in magaca ciyaaryahanka uusan ka weyneen kooxda”.

Comments

comments

SHARE