“Messi kaligiis ayaa u dhigma halyeeyada Real Madrid” Alfredo Di Stefano

304

Lionel Messi ayaa hal tilaab u jira inuu kaligiis u dhigmo halyeeyada Real Madrid ee Alfredo Di Stefano iyo Cristiano Ronaldo.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Messi uu samaynayo rikoor cajiib ah haddii uu kooxdiisa la qaado Super Cup-ka Spain barri oo axad ah.

Barcelona ayaa habeen dambe la ciyaaraysa kooxda Sevilla koobka Super Cup-ka Spain oo xiliciyaareed kaan laga dhigay kaliya hal lug, waxaana lagu ciyaari doonaa dalka Morocco.

Messi ayaa haysta 32-koob oo uu ku guulaystay xirfadiisa, haddii uu ku guulaysto Super Cup-ka Spain wuxuu noqonayaa koobkiisii 33-aad ee xirfadiisa, wuxuuna soo barbaraynayaa Alfredo Di Stefano iyo Cristiano Ronaldo oo wada jira.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay 16-koob xirfadiisa, sidoo kale Alfredo Di Stefano ayaa ku guulaystay 17-koob xirfadiisa marka la isku daro waa 33-koob.

Messi ayaana labadooda oo wada jira soo barbarayn kara haddii uu habeen dambe la qaado Super Cup-ka Spain kooxdiisa Barcelona.

Comments

comments