Deg Deg: Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Kililka Shanaad, Ciidankii Cabdi Illey Iyo Milatariga Faderalka Itoobiya Oo Qarka U Saaran Inay Isku Dhacaan

110

Ciidamadii u daacada ahaa Madaxweynihii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Illey ee lagu xabsiyay Adis Ababa iyo Dawladda Faderaalka Itoobiya ayaa si weyn isku Maandhaafsan waxaanay gabi ahaanba diideen inay u hogaansamaan Amarada ka soo baxaya Adis Ababa iyagoo gaadiid dagaal iyo Hub ku urursanaya Magaalada Dhagax Buur oo ka tirsan Maamulka Jigjiga islamakaana hawlgalo amni daro ah ka fuliyay Habeenadii u dambeeyay Tuulooyin door ah oo Soomaalidu degto.

Illo Wareedyo u dhuun daloola Xaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa daaha ka rogay inay Dawladda Faderalka Itoobiya quus ka taagan tahay inay soo Xero galiso Ciidamada liyuu booliiska loo yaqaan ee u daacada ah Madaxweynihii Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya  Cabdi Maxamuuud Cumar (Cabdi Illey) oo la sheegay inuu Xabsi guri ugu jiro Guri uu leeyahay oo ku dhex yaala Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta Dawladda Faderaalka Itoobiya. Dawladda Faderaalka Itoobiya ayaa Markii Cabdi Illey Adis Ababa loo qaaday sida la sheegay amar ku bixisay inay Ciidamada Liyuu booliiska iyo Taliyeyaashoodu iska soo xaadiriyaan dhamaantood Xeradii ugu waynayd ee ay ku lahaayeen Jigjiga Duleedkeeda ee Garab-Case,amarkaasi oo aanay wax dheg ah jalaq u siin.

Wararka isasoo taraya ayaa sheegaya inay sii kala fogaanayaan Ciidamada Liyuu Booliiska iyo Dawladda Faderaalku,waxaana laga cabsi Qabaa inay iska hor yimaadaan Ciidamada Milatariga Faderalka Itoobiya oo hadda ku sugan Maagalada Jigjiga islamarkaana Amaankeeda la wareegay tan iyo markii ay Shaaqada dhiigu ku daadatay ka dhacday. Ciidamada Liyuu Booliiska ayaa falal Amni daro ah ka fuliyay Habeen hore Magaalada Wajaale ee kutaala Xuduuda Dhinaca Galbeed ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya,Waxa ay xabad ku dhaawaceen Gudoomiye ku xigeenkii Magaalada Wajaale ee Daanta Itoobiya,waxaanay markii dambe halkaasi ka kaxaysteen Gaadiidkii Caafimaadka iyo Dawlada Hoose ee Itoobiya ee Wajaale,iyagoo mudo badan magaaladaasi qas ka gaystay. Dhinaca kale Waxa ay isla habeen hore Sidan oo kale ku sameeyaan Tuulooyin badan oo ay ka mid tahay Baligubadle iyo Harta Sheekha.

Wararkan ayaa intaasi ku daray in Ciidamadii Liyuu Booliiska ahaa ee u daacada ahaa Madaxweyne Cabdi Illey ay Xarun ay isku urursadaan ka dhigteen Magaalada Dhagax Buur oo 153 Km jihada Bari ugu toosan Magaalada Jigjiga halkaasi oo ah deegamada ay ku xoog badan yihiin qabiilka uu ka soo jeedo Madaxweyne Cabdi Illey. Waxa ay sidoo kale xero Ciidan ka samaysteen meel Jigjiga dusheeda ah oo ay ugu talo galeen inay hawlgalo ka fuliyaan,halkaasi oo ay Habeen hore ka soo kicitimeen Ciidamadii liyuu Booliiska ahaa ee Hawlgalada ka fuliyay Magaalada Wajaale ee Daanta Dalka Itoobiya oo ay cabsi iyo Jahowareer maamul ka taagan yahay tan iyo Kacdoonkii Magaaladda Jigjiga.

Sikastaba ha noqotee,Waxaa si weyn looga cabsi qabaa inay dagaal fool ka fool ah iskaga hor yimaadaan Ciidamada Liyuu Booliiska Iyo Milatariga Dalka Itoobiya oo iyaga laftoodu ku sii siqaya goobaha ay degan yihiin ee ay isku urursanayaan Ciidamada Liyuu Booliisku. Waxa  Ciidamada Milatariga Itoobiya lagu amray oo ay si toos ah uga amar qaadanayaan Wasiirka Warfaafinta Dawlada Faderaalka Itoobiya Axmed Shide,waxaana loo dheg taagayaa Dagaal weyn oo ka dhex qarxa Labadaasi Ciidan oo si weyn mid waliba dhinaciisa isku diyaarinayo, iyagoo Ciidamada Liyuu Booliiska la sheegay inay sidoo kale ku talo galeen inay Dagaal Jabhadayn ah bilaabaan. Xaalada Jigjiga ayaa wali ku jirta Xaalad Milatari waxaana goob kasta daadsan Ciidanka Faderalka Itoobiya iyagoo ay dad badan oo Soomaali ah oo ka cabsi qaba dagaal ka dhaca magaalada ay iskaga soo xaqeen.

Dhinaca kale Dawlada Somaliland ayaa ciidamo badan oo kuwa milatariga ah dhoobtay Xuduudaha ay Itoobiya la wareegto gaar ahaan Wajaale, Allaybaday, Faro weyn iyo Baligubadle.

 

Comments

comments