RASMI: Kooxda Chelsea oo ku dhawaaqday dhameystirka heshiiska goolhaaye Kepa Arrizabalaga

Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska goolhaayihii kooxda Athletic Bilbao ee Kepa Arrizabalaga.

Blues ayaa bixisay qiimaha lagu kansalay heshiiska uu Kepa Arrizabalaga ku joogay kooxda reer Spain Athletic Bilbao ee gaaraya 80 million euros si uu ugu noqdo badalka Thibaut Courtois oo ku biiray kooxda Real Madrid.

Kooxda Chelsea ayaa war rasmi ah ay soo saartay shabakadeeda rasmiga ah ku sheegtay “Kooxda waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in Kepa Arrizabalaga ay ka saxiixatay heshiis 7 sano ah”.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee kooxda Chelsea Marina Granovskaia ayaa waxay dhankeeda sheegtay in ay ku faraxsan tahay heshiiska Kepa.

“Kepa waa ciyaaryahan tayo leh, isla markaana leh mustaqbal aad u dheer, waan ku faraxsanahay imaanshihiisa kooxda Chelsea”.

“Wuxuu qeyb weyn ka noqon doonaa guulaha kooxda Chelsea ay gaaro doonto sanooyinka soo socda, waa qandaraas dheer oo qeexaya kalsoonida aan ku soo qaadanay”.

Comments

comments

SHARE