‘’ Kaftanka Maanta ,Jeegaantu Iyaddaa Is Jamata”.

29
????????????????????????????????????

‘’ kaftanka maanta ,jeegaantu iyaddaa is Jamata”.

Dawladaha Afrika waxay leeyihiin dabeecad ay ka siman yihiin ,dabeecadaas oo ah in ay dadkoodda maaweelo ku jaheeyaan oo madadaaliyaan .

Tusaale , Xukuumaddii kacaanku dadka waxay ku maaweelin jirtay heeso ,iska wax u qabso iyo tabeelyaal ,

Xukuumaddii cabdi iley na dhaanto ayay dadka ku maaweelisay ,dadkii soomaali galbeedna waatuu toban sanadood ku digriyayey ,Dirgax oo dirgax ,

Xukuumadda farmaajo na Qiiro jabaan iyo safaro dabadeed bay dadka ku maalisaa ,

Xukuumadihii Somaliland ee cigaal iyo riyaale dadka nabad bay ku maaweelin jireenoo ,waatii nabadgelyadda hala ilaashaddo la subcin jirey ,

Imika xukuumadaha kulmiye ee jeegaanta laggu naanaysaa waa bilaa maaweelo ,xadaarad iyo ilbaxnimo ay dadku madadaaliyaana Malaha , halkii ay dadka ka qancin lahaayeena iyaggaa is qanciyoo jeegaantu iyaddaa is Jamata .

Comments

comments

SHARE