Barcelona oo LAMBARKA 14-aad ka badeshay Philippe Coutinho

135

Barcelona ayaa xaqiijisay in Philippe Coutinho uu xagaaga Cusub u xiran doono No.7. Laacibka reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkii tagay camaaliqada reer Spain u xirnaa No. 14 kaddib markii uu ka soo tagay Liverpool.

Balse Coutinho ayaa Kal ciyaareedka cusub xiran doona Lambarkii uu xirnaan jiray Arda Tura nee No. 7.

Barcelona ayaa u muuqatay in Lambarka 7-aad ay u sii keydisay Antoine Griezmann, balse laacibka ayaa ku adkeystay inuu la sii joogo Atletico Madrid oo uu heshiis cusub u saxiixay, sidaa darted waxaa iminka Lambarka loo gacan galiyay Coutinho.

Comments

comments

SHARE