Arsenal oo ka guureysa Puma waxayna saldhiganeysaa Adidas, waana labo-laab

Laga bilaabo xagaaga soo socda Arsenal ayaa ka guuri doonta shirkadda ay qandaraaska kula jirto ee Puma iyadoona xiran doonta Adidas.

Gunners ayaa Adidas ka heli doonta dhaqaale ku labo laabmaya midka ay iminka ka qaadato Puma.

Heshiiska shanta sano ay Arsenal kula jirtay Puma oo ay sanadkiiba  ku qaadaneysay 30 ka milyan ayaa dhici doona sanadka soo socda.

Kooxda reer London ayaana laga bilaabo xagaaga soo aadan u guuri doonta shirkadda Adidas taa oo ay ka qaadan doonto labo laab intii ay ka helaysay Puma oo waxay sanadkiiba jeebka ku shuban doonaan 60 milyan oo bound.

Dhaqaalaha Cusub ee lagu duray Arsenal ayaa u kor u qaadi doona oo caawin doona tababarahooda cusub ee  Unai Emery.

Comments

comments

SHARE