“Waxaan rumeeyay riyadeyda ah inaan xirto maaliyada kooxda Barcelona”… Arturo Vidal

Arturo Vidal ayaa wuxuu ka hadlay dareenkiisa ku aadan sida uu ugu faraxsan yahay imaatinkiisa kooxda Barcelona, wuxuuna sheegay in tani ay tahay riyo u rumoowday isaga.

Kooxda Barcelona ayaa xili sii horeesay ku dhawaaqday in ay kala heshiisay kooxda Bayern Munich saxiixa laacibka reer Chile ee Arturo Vidal.

Arturo Vidal ayaa soo gaaray magaalada Barcelona shalay oo Isniin ah, si uu u dhameystiro heshiiskiisa rasmiga ah uu kaga mid noqon doono qorshaha Cump Nou ee xili ciyaareedka cusub.

Hadaba Arturo Vidal ayaa kadib imaatinkiisa kooxda Barcelona wuxuu kaga soo hadlay dareenkiisa sida uu yahay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka.

“Aad ayaan u faraxsanahay, waxaana rajeynayaa inaan tababarka la bilaabo saaxiibadey cusub oo aan xirto maaliyada koox weyn ee sida Barcelona oo kale “.

“Riyada waxay noqotay mid run ah, waan ku faraxsanahay inay ii rumoowday riyadayda, waxaan rajeynayaa inaan gaaro ujeedooyin badan ee halkan ah”.

“Waxaan heystaa qandaraas seddex sano ah, waxaana doonayaa inaan kula guuleysto koobab fara badan”.

Comments

comments

SHARE