War Deg Deg Ah: Xaalada Magaalada Jig-Jiga Oo Cirka Maraysa Iyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Oo Imika Is Casilay

War Deg Deg Ah: Xaalada Magaalada Jig-Jiga Oo Cirka Maraysa Iyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Oo Imika Is Casilay

War deg deg ah oo hada soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com waxaa uu sheegayaa in uu si rasmi ah isku casilay madaxweynihii ismaamulka Soomalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar .

Ciidamada Faderaalka Dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay la wareegeen guud ahaan amaanka Maamulka isla markaana ay xeryooyinkoodii ka soo baxeen una soo baxeen jidadka magaalada Jig Jiga .

 

Sidoo kale barta Facebook telefishanka Universal Tv ayaa hada lagu soo daabacay in Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Md Axmed Cabdi Maxamed.

Deg Deg: Madaxweyne Cabdi Maxamuud Oo Imika Is Casilay

Kala Soco Wixii Warar Ah Barta Shabakada wargane.com

Comments

comments