Frank Lampard oo Guul Xakaar ah gaaray kulankisii ugu horreeyay ee Tababaranimo

Rugcadaagii hore ee Chelsea Frank Lampard ayaa guul dirqi ah ku furtay waayihiisa tababaranimo.

Laacibka ugu goolasha badan taariikhda Blues ayaa guul loo xakaaray gaaray kulankiisii ugu horreeyay ee tababaranimo uu hogaamiyo kooxda Derby.

Gool ayaa looga naxsaday kooxda Frank Lampard balse way soo bar bareeyeen iyagoona goolka guusha daqiiqadii 94-aad ka helay Lawrence.

Si waali ah ayuu ula dabaal degay ciyaartoyda keydka iyo tababarayaasha ka hoos shaqeeya, wuxuuna iminka si ku meel gaar ah ku hayaa hogaanka Championship maadaama ay iyaga uun ciyaareen kulankii ugu horreeyay isla markaana aysan kooxaha kale weli ciyaarin.

Comments

comments

SHARE