Alvaro Morata oo afka furtay kana hadlay mustaqbalkiisa kooxda Chelsea

67

Alvaro Morata ayaa meesha ka saaray warka ku aadan inuu ka tagayo kooxda ka dhisan Galbeedla magaalada London ee Chelsea.

Laacibka reer Spain ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kasoo muuqday kulamo dhowr ah kursiga keydka, taasoo sabab u noqotay in saxaafada dalka England ay si xoogan ula xiriirisay inuu ka tahayo Blues.

Laakiin Alvaro Morata ayaa ku tilmaamay wararka xanta ah kuwa aan waxba ka jirin isla markaana uu ku faraxsan yahay joogitaankiisa Garoonka Stamford Bridge.

“Waxaan la hadlay agsaasima guud ee kooxda Chelsea Marina Granovskaia iyo Maurizio sarri waxaan ku war galiyay inaan sii joogayo Chelsea”.

“Waxay ii sheegeen inay ku kalsooni qabaan awoodeyda ciyaareed, sidaas darteed wax walba waxay ku sugcdaan sida saxda ah”.

Comments

comments