Somaliland: Warancade Oo Ka Hadlay Saluugga Laga Muujiyay Waayo-aragnimada Xubnaha Xukuumadda Iyo Musuqmaasuqa Lagu Eedeeyey Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumaddii Siilaanyo

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Cali Maxamed Warancadde, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, aragtidiisa ku waajahan Xukuumadda Muuse Biixi, tabashada saami qaybsiga, musuqa lagu eedayey Masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumadii Siilaanyo, wadahadalada Somaliya, Shirka Ceel-afweyn, is bedelka ku yimid Itoobiya iyo qodobo kale.

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha, mudane Cali Maxamed Warancadde oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Soomaaliya waxa uu yidhi “Runtii Somaliya wax wanaag ah oo ay inoo hayso ma jirto, caalamkuna waa uu ogyahay, waanu ka war qabaa. Dawladda Somaliya waxay wadaa cadaawad ka dhan ah Shacabka reer Somaliland, haddii ay tahay Madaxweynaha iyo haddii ay tahay Maamulka Xamarba, wax horumar ah oo ay habayaraato ee ay inoo ogolyihiin ma jirto, wanaag iyo horumarna inooma ogola, dhibaato iyo dibin-daabyo ayey mar walba inala doonayaan, laakiin waxba inagama faa’iidayaan, waxna inama yeeli karaan, wax la inoo soo marinayaana ma jiro. Duniduna wey ka dharagsan tahay sidaynu maanta kala nahay, laba dal baynu kala nahay.

Mar aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku waajahan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee hakadku ku yimid  ayaa uu ku jawaabay “Inagu haddii aynu nahay Somaliland, diyaar ayeynu u ahayn wada hadalada Soomaaliya, Madaxweynaheenuna dhawr jeer buu sheegay, oo uu caddeeyey, waxaana laga wada hadlayaa sidii wanaag iyo ixtiraam loogu wada noolan lahaa gobolka Geeska Afrika. Waddada kaliya ee maanta banaanina waa taas, taasna waxaan runtii u arkaa inay Somaliland iyo Somaliyaba dan u tahay, sababtoo ah dawladda Somaliya waa dawlad ku kooban magaalo kaliya, oo aynu ka war qabo in aanay xittaa gacanta ku wada hayn, halka Somaliland ay ka jirto Dawlad qaybaheedii kala duwanaa u dhamaystiran yihiin, oo ciidankeedii u dhisan yahay, golayaasheedii u dhisan yihiin, Shacabkeedii mar walba hiil iyo hooba la garab joogaan.

Xasiloonideenuna ay taam inoo tahay ALLE ha inoo sii siyaadiye, Somaliyana waxaan leeyahay aynu jaar ku ahaano wanaag, maxa yeelay laba dal ayeynu kala nahay, wixii kale ee intaas dhaafsiisani waa gardaro wada hadaladuna waxa carqalad ku ah waa Somaliya”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey ayaa ku jawaabay “Arintaasi waxba kama jiraan, waxna ka socon mayaan. Anigu sida aan qabo, hawadeena inaga ayaa leh, inaga lama wareegi karaan. Heshiiskii hore loogu heshiiyey, ee Turkiga ka dhacay, haddii ay Somaliya ka baxday, inaga ayaa u madaxbanaan maamulka Hawadeena, waxaynu leenahay, oo qasab la inoogu maamuli karaa ma jirto, arintaasina waa arin sharci daro ah, balse u suurtagali mayso”.

Cali Maxamed Waran-cadde mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko tabashada Saami qaybsiga ee beelaha darafyada ayaa ku jawaabay “Saami qaybsigu Golaha ayey u taala, golaha Barlamaanka ayaa wada, waxaana loo baahan yahay in si caqliyana loo eego wixii tabasho ah, waxaana anigu qabaa in uu goluhu arintaas xal u helo. Haddii ALLE yidhaah”.

Mudane Warancadde oo muddo dheer xilal wasaaradeed oo kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, ayaa ka hadlay doodda ah in xukuumadda madaxweyne Biixi ay ku jiraan dhalinyaro aan waayo-arag ahayni, “Kolayba dadka la magacaabayo wax baa lagu xushaa, Wasiir Wasiirnimada ku dhashayna ma jiro. Wasiir walbana waxa laga yaaba in isaga oo hore u soo shaqeeyey ama aan hore u soo shaqayn oo cusub la doorto, markaas Wasiir walba wuxuu la soo baxo iyo kartidiisa ayey ku xidhan tahay. Qof kastaaba nolosha iyo shaqada ayuu wax ku noqdaa, oo uu wax ku bartaa.

Anigu waxaan qabaa in wakhti wax lagu dhaliilo ama ay ku muuqan karto kartidoodu aanay jirin, Waxaan qabaa in aan la odhan karin waa faashil, oo wakhitgan (Kooban) waxba laguma qiimaayn karo”.

Mudane  Warancade, oo Geeska Afrika uga warramayey sida u arko eedda musuqmaasuq ee Guddiga Ilaalinta Hantida Umadda ee wakiilladu ay u soo jeediyeen masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumadda hore, ayaa yidhi, “Wallaahi arintaasi siday u dhici karayos waa si cajiib ah. In hantida umadda la dhacaa waa arin fool xumo ah. Dhicista iyo fool xumadana sharci baa ka yalla,  waxa muhiim ah in mar walba hantida umadda la ilaaliyo. Laakiin anigu waxaan qabaa in qofka wax sheegayaa uu la yimaado wax cad, mana wanaagsana in dadku waxaanay hubin ay meelahaas ka sii dayaan.

Marka cid wax lagu eedaynayna waddo loo maro ayaa jirta, balse waxaad arkaysaa masuul la caayo, uun oo inuu wax cunay lagu sheegayo, haddana wax caddayn ah oo la soo bandhigana aan lagu haynin. Waxaas oo kalena dadka ayey kala fogeynayaan. Markaa waxa iga talo ah in marka cid, wax lagu eedaynayo caddayn dhamaystiran oo lagu qanci karo la soo bandhigo”.

Mar uu ka hadlaayey Shirka Ceel-afweyn iyo qodobadii ka soo baxay ayaa yidhi “Shirku si aad iyo aad u wanaagsan oo milgo leh ayuu ku soo dhammaaday, labadii beeloodna waa lagu heshiisiyey, Shirkana runtii Somaliland oo dhan baa gashay, Culimo, Madax-dhaqameed, Wax-garad iyo Siyaasiyiinba, waana uga mahadnaqayaa cid kasta oo gacan ka geystay, Shirkan iyo qabsoomidiisa, Somaliland doorkan may kala hadhin, waxaana halkaas la iskugu tagay, oo loo soo gurmaday sidii labadan Beelood looga dhex dhalin lahaa nabad, colaadoodana meesha looga saari lahaa, ta kale  ninkaas odayga ah ee inamadiisa la dilay, ee saamaxada la yimid, waa nin aad iyo aad u qiimo badan, waa nin samray, oo si wanaagsan u samray, wanaagaas iyo nasteexaas uu horseedka ka noqdayna ALLE ayuu khayr iyo ajar kaga heli doonaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko is bedelka ka dhacay Itoobiya iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland iyo waxa laga baran karo ayaa ku jawaabay “Itoobiya runtii is bedel baa ka dhacay, dadaal badan baa ka socda, is bedelkaasina runtii wuxuu tusaale u yahay Geeska Afrika, Raysal-Wasaaraha Itoobiyana waa nin dadaal badan oo doonaya is dhexgal bulsho iyo horumar balaadhan, oo uu Geeska ka sameeyo, inaguna wanaag mooye wax xumaan ah oo aynu ka rajaynaynaa ma jirto”.

Comments

comments