Deg Deg: Telefishanada Madaxa Banaan ee Somaliland Oo Gabi Ahanba Joojiyey Shaqadi Qasrigga Madaxtooyada Somaliland + Sababta

25

Deg Deg: Telefishanada Madaxa Banaan ee Somaliland Oo Gabi Ahanba Joojiyey Shaqadi Qasrigga Madaxtooyada Somaliland + Sababta

Telefishanada Madaxa Banaan ee Somaliland ayaa Hakiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen Madaxtooyada Somaliland, waxayna sheegeen in aanay sii dayn doonin wararka Madaxweynaha iyo Aqalka dalka laga maamulo ee Madaxtooyada.

Go’aan ay ku saxeexanyihiin Shanta xubnood ee Gudida Fulinta TV-yada Gaarka loo leeyahay oo Galabta la shaaciyay ayay ku sheegeen Gudida fulinta tvyada madaxa banaani in ay joojiyeen wada shaqayntii ay madaxtooyada la lahaayeen iyo baahinta wararka madaxweynaha.

Tan iyo intii ay timi xukuumadda cusub ee Somaliland waxaa sii xumaanaysay wada shaqaynta warbaahinta iyo xukuumadda, labadii cisho ee u danbeeyay Telefishanada madaxa banaan ayaa joojiyay sii daynta wararka madaxweynaha,

Go’aan kan ayaa dhaawac ku ah wada shaqaynta xukuumadda iyo Saxaafadda Madaxa baanan.

Comments

comments