Somaliland: Guddiga Iyo Madaxdhaqameedka Garxajis Oo Michael Walls Ku Tilmaamay In Aanu Dhex Ka Ahayn Doorashadii, Ugana Digay In Uu Dalka ku Soo Noqdo

46

Boqoro iyo qaar ka mid ah gudida beesha Garxajis ayaa canbaareeyay Mr. Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex-dhexaad ka ahayn goob jooganimada doorashadii madaxtooyada oo uu hogaaminayay goob joogayaasha caalami ah.

Waxa ay madax dhaqameedkani beesha caalamka ay ka codsadeen in aan mar danbe goob jooge nimo ugu soo dirin Somaliland Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex ka ahayn arimaha  doorashada iyo qabaalika ee Somaliland.

Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ahaa odayaasha hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta waxaanu halkan ku canbaaraynaynaa, ku ceebaynaynaa, ku dhaleecaynaynaa saancadaalii Michael Walls oo ku xad gudbay xuquudayada magacayaga iyo shirkayagaba.”

Boqor faysal waxa uu sheegay in aanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn samayntii filimkii ‘Baadigoob’ laakiin waxa uu sheegay in eedaha filimkaas ku jiray in ay run ahaayeen uu caddeeyey Michael Walls, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Barnaamijkii baadigoob isaga [Michael Walls] ayaa u furay inuu ahaa barnaamij run ah oo sax ah oo xaqiiqo ku salaysan, waxa cadaatay in aanu ahayan goob jooge ee uu ahaa garba jooge cid gaar ah u adeegayay, waxa cadaatay in aanu ka mid ahayn daneeyayaasha doorashadii dalka ka socotay ee uu ahaa danayste cid gaar ah u adeegaya, sida qaran dumisku u jiro, ayaa waxa jira qabiilo dumis ninkaas waxaanu leenahay meel kasta oo uu aduunka ka joogo cid kasta oo magaca nala wadaagtaa waa inay gacan bir ah ku soo qabtaa haduu Yurub tago iyo haduu meel kale tagoba oo maxkamadaha dunida la hor geeyaa”

Dhinaca kalana, boqorka oo  Michael Walls ku xidhiidhinaya xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi, “Waxa aan leeyahay xarunta dhaqanka ee uu waxaas faxshiga ah ka sheegay, waa in haayada wanaagfarista iyo xumaan reebhista la geliyo waxa aanu haynaa warar aan diinteena ku wanaagsanayan, dhaqankeena ka baxsan.  Michael Walls arimaha dhaqankeena meel  buu kaga dhacay, kuwa diinteena meel buu kaga dhacay waana isku keen dilayaa waana isku keen dirayaa, jeegaantiina haday laba geesood ahayd waxay u baahatay gees sadexaad oo saanbuus sadex gees ah la samaynaayo, dalka hadii aan laga dayn saanbuuskaas sadex geeska ah waxaanu keeni doonaa mid afar gees ah oo aan waligiiba hore loogu arkin.”

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu shirkaas jaraa’id ee ay warbaahinta kula hadleen uu ka seegay”Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanaynaa arintii yaabka lahayd ee fajicisada lahayd ee gaal iyo islaamba ka yaabisay ee ninka cadaanka ah ee beesha Garxajis shirkeedii soo farogaliyay, arimahaas waxa galiyay aad ayaanu ula yaabnay taariikhda la qarinaayo ee garxajis oo aan qarsoomayn oo baryahanba ay ka shaqaynaysay jeegaantu, waxaanu u sheegaynaa wax la qarin karo in aanay ahayn. Waxaanu ka doonaynaa beel weynta Garxajis meel kasta oo ay ku nooshay in sidii Saleebaan Rushdi ninkaas loo raadiyo oo la horkeeno maxkamada caalamiga ah, waxaanuna leenahay haayad kasta oo uu u shaqeeyo ama jaamacada uu ka shaqeeyo waxaanu u sheegaynaa in aanu ninkaasu waxa uu sheegay aanay waxba ka jirin, beeshaas iyo Somaliland-na meel kaga dhacay.”

Guddoomiye ku xigeenka guddida beesha Garxajis ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay “Ninkaas ahaa madaxa goob joogayaasha waxa uu soo farogaliyay wax ka duwan waxii shaqadiisu ahayd  oo ah inuu qabaalika Somalilad farogaliyo, oo uu ku sheegay shirkii beelweynta Garxajis ay ku qabsatay Gacanlibaax iyaga oo aan soo hadalqaadin doorashooykii iyo goobjoogayaashii oo ka hadlay dantooda gaarka ah, waxa uu ku soo daray inuu Garxajis ku lug lahaa barnaamijkii Baadigoob, waxaanu arintaas u aragnaa inuu si dhaqan xumo ah ugu milmay beelaha Somaliland oo uu wax ka sheegooda ku soo dhiiraday, waxaanu u gudbin doonaa dacwad oo aanu looyaro u qaban doonaa cid kasta oo ay arintiisu xidhiidh la yeelato hadii ay tahay Jaamcadii soo dirsaday iyo cid kasta oo ay arintiisu gasho, waxaanu leenahay hadii uu ka tagay dalka intuu kalmadahaas foosha xun ee loo dhiibay sii yidhi kuma soo noqon karo, sababta aanu ugu soo noqon karina waa amaankiisa ilaa iyo uu soo cadeeyo oo uu keeno xaqiiqooyin, hadii u soo cadayn waayaana isaga ayaa la kulmi doona talaabo waafaqsan talaabooyinkii uu qaaday.”

 

Comments

comments