Gareth Bale oo diyaar u ah inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Real Madrid

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Gareth Bale uu ku fikirayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid, kadib markii uu haatan noqday xidiga koowaad ee Los Blancos.

29 jirkan ayaa yimid garoonka Santiago Bernabéu sanadii 2013, kadib markii uu kaga soo biiray Tottenham Hotspur aduun dhan 101 million euros.

Wargeysyada “AS” iyo “Sun” ayaa waxay shaaca ka qaadeen in laacibka reer Weles ee Gareth Bale uu haatan ka fikirayo inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Heshiiska haatan uu ku joogo Gareth Bale ee kooxda Real Madrid ayaa wuxuu dhacayaa sanada 2022, waxaana la filayaa inuu sii kordhiyo qandaraaskiisa, hadii xili ciyaareedka cusub ay wax walba ugu socdaan si wanaagsan.

Comments

comments

SHARE