Kooxda Chelsea Oo Saacadaha Soo Socda Soo Xaro Galin Doonta Ciyaariyahanka Khadka Dhexa Ee Aaron Ramsey

Kooxda tababare Maurizio Sarri ayaa diyaar u ah inay la wareegto laacibka kooxda Arsenal iyo xulka Wales ee Aaron Ramsey.

27 jirkaan ayaa ku jira sanadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Arsenal, mana jirto heshiis uu la gaaray ilaa haatan maamulka Gunners.

Sida ay baahisay Daily Mail, Tababare Sarri ayaa u arka Aaron Ramsey laacib aad ugu haboon qorshihiisa xiliciyaareedka cusub ee kooxda Chelsea.

Blues ayaa diyaar la ah lacag dhan 30 milyan oo Ginni si ay ugu qanciso Arsenal iibka Aaron Ramsey suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Arsenal ayaa ku qasban inay iska iibiso isbuuca dambe Aaron Ramsey haddii uu diido inuu saxiixo heshiis cusub maadaama kooxdu ay ka cabsi qabto inuu bilaash uga tago xaggaaga dambe.

Comments

comments