Somaliland: “Sharcigeena Meelna Kagama Yaalo Wala Weynta Yaan La Salaamin,Aniga Somaliland Layga Baqi Maayo”Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Kulanku La Qaatay FARAMAAJO

“Sharcigeena Meelna Kagama Yaalo Wala Weynta Yaan La Salaamin,Aniga Somaliland Layga Baqi Maayo”Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Kulanku La Qaatay FARAMAAJO

Guddoomiyahah xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa lagu soo dhaweeyey madaaarka Cigaal International Aiport oo uu ka soo degay goor dhaweyd kadib markii uu ka soo laabtay shir uu kaga qeyb galay dalka Belgiumka kaas oo loo qabtay dawladda Soomaaliya iyo maamuladdeeda.

Faysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta la hadlay kadib soo dhaweyntiisa waxa uu shegay in u ku faraxsan yahay in dalkiisa si diiran maanta Loogu Soo Dhaweeyo,Faysal waxa Sidoo Kale uu sheegay in aanu ahayn maanta nin looga baqaayo qarannimada Somaliland oo uu yahay nin ku adag.

“Anigu ma ihi nin maanta Somaliland looga baqaayo,la ficiltami maayo anigu Muuse Biixi,Yaa Ixidhi Kara Guulbaan Sidaaye” Faysal Cali Waraabe ayaa sida yidhi isaga oo u jawaabaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dagaalka Tuke-raq, shirkii Brussels, iyo arrimo kale oo door ah.

Xisbiga Ucid ayaa isagu dhankiisa hore waxa uu walaac uga muujiyeen in xukuumadda Somaliland ay waddo qorshe ay kku xidhayso guddoomiyahooda.Geesta kale waxaana jira shaki laga qabo in xukuumadu xidho maadaama oo uu ka qaybgalay shir ay Somaliland

qaadacday oo loo qabtay Somaliya.

Comments

comments

SHARE