Kooxda Real Madriid Oo Qarka U Saaran Inay La Wareegto Xidigaha PSJ Ee Edison Cavani

Real Madrid ayaa bixin doonta dalab weyn oo ay ku dooneyso weeraryahanka kooxda Paris St Germain Edison Cavani inta lagu jiro suuwan xagaagan. Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Spain.

Weeraryahanka kooxda Paris St Germain ayaa dhawaanahan bartilmaameed u ahaa Real Madrid si ay kaga dhigato badalka Cristiano Ronaldo oo kaga dhaqaaqay Juventus.

Edinson Cavani ayaa dhaliyay 40 gool 48 kulan oo uu saftay kooxda Paris St Germain tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore. Xili sidoo kale bandhig fiican uu ka sameeyay koobka aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo xidhay dalka Russia.

Wargeyska “AS” ayaa maanta oo khamiis ah sheegay in Edison Cavani uu si weyn u soo dhaweeyay inuu u dhaqaaqo kooxda cad cadka ee Real Madrid inta lagu jiro suuqan xagaaga

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Real Madrid ay diyaar la tahay in kooxda Paris St Germain ay u bandhigto aduun dhan 100 million euros, si ay kaga hesho  saxiixa Edison Cavani maalmaha soo aadan.

Comments

comments