Alvaro Morata Oo U Sii Jeeda Kooxda Ac Milano

Shabakada Sky Sport ee dalka Talyaaniga ayaa sheegeysa in Alvaro Morata uu aqbali doono inuu ku biiro Milan, laakiin Chelsea ayaa dalbaneysa 65 illaa 70 milyan euro.

Rossoneri ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato Alvaro Morata xagaagaan, waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa weeraryahanka kooxda Juventus Gonzalo Higuain.

Saxafiga caanka ah ee reer Talyaani Gianluca Di Marzio ayaa laga soo xigtay agaasimaha guud ee cusub kooxda Milan ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu xiriir la sameeyay shaqsiyaadka u dhow Alvaro Morata.

Weeraryahankii hore ee Juventus ayaa doonaya inuu dib ugu laabto Italy, islamarkaana uu aqbalo heshiiskan, laakiin Blues waa inay hoos u dhigto dalabkooda gaarsiisan 65 illaa 70 milyan euro.

Gonzalo Higuain ayaa ah dooq kale sidoo kale Radamil Falcao ayaa isna ku jira liiska kooban ay dooneyso kooxda AC Milan.

Comments

comments