Deg Deg: Liiska Musharixiinta Tababaraha ugu fiican 2018 oo la soo saaray

FIFA ayaa soo saartay Liiska 11 ka tababare ee u sharaxan abaal Marinta Macallinka ugu fiican sanadka 2018.

Zidane oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah Champions League la qaaday Real Madrid, Allegri oo markii 7-aad oo xiriir ah Serie A u gacan galiyay Juventus, Pep Guardiola oo Premier League u qaaday Man City, Didier Deschamps oo Koobka Adduunka farta ka saaray Faransiiska ayaa ka mid ah Musharaxiiinta Macallinka Sanadka.

Zlatko Dalić Finaka Koobka Adduunka ku hogaamiyay Croatia iyo Jürgen Klopp oo FInalka Champions League gaarsiiyay Liverpool ayaan ka marneyn liiska.

Abaal marinta ayaa lagu bixin doonaa London 24 ka bisha Septemper.

EEG LIISKA:

Massimiliano Allegri (ITA) – Juventus
Stanislav Cherchesov (RUS) – Russia national team
Zlatko Dalic (CRO) – Croatia national team
Didier Deschamps (FRA) – France national team
Pep Guardiola (ESP) – Manchester City
Jurgen Klopp (GER) – Liverpool
Roberto Martinez (ESP) – Belgium national team
Diego Simeone (ARG) – Atletico Madrid
Gareth Southgate (ENG) – England national team
Ernesto Valverde (ESP) – Barcelona
Zinedine Zidane (FRA) – Real Madrid

Comments

comments

SHARE