Deg Deg: Colaadi Gobalka Sanaag Oo Durba Saaka Dib U Bilaabmatay + Tirada Dhimashada Iyo Dhawaaca

31

Deg Deg: Colaadi Gobalka Sanaag Oo Durba Saaka Dib U Bilaabmatay + Tirada Dhimashada Iyo Dhawaaca

Dagaal Beeleedo Markale Ka Curtay Degmada Ceel-Afweyn Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Deegaano Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn Ayaa Saaka Laga Soo Sheegaya Inay Ka Dhaceen Iska Hor Imaado,Dhexmaray Laba Beelood Oo Kamida Beelaha Wada Dega Degmada Ceel-Afweyn

Deegaanka Ceeryaan Oo Ka Tirsan Gobolka SANAAG Ayaa Markale Culaadi Dub Uga Soo Curatay Waxaana Halkaasi Gaadhay Cutubyo Ka Socda Ciidanka Qaranka Somaliland,Iyagoona Halkaasi Ka Fuliyey Hawl Galo,
Dagaalka Ka Dhacay Deegaanka Ceeryaan Waxaa Ka Dhashay Khasaare Nafeed,Waxaana La Sheegay Inay Ku Geeriyoodeen Laba Ruux,Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Goob Joogayaal Ku Sugan Deegaankaasi,Isla Markaana Ay Jiraan Dhaawac Sahlani,
Amaanka Deegaankaasi Waxa Hada Gacanta Ku Haya Ciidanka Qaranka Somaliland,Kuwaas Oo Kala Firdhiyey Dadkii Halkaasi Ku Dagaalamay,Waxaana Xusid Mudan In Shirkii Nabad Gelyada Degmada Ceel-Afweyn Si Habsami Ah U Socdo,Isla Markaana Aanay Arintani Wax Ka Bedelin

Comments

comments