Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Heshiiska Ay AS Roma Kaga Soo Af-duubtay Xidiga Ree Brazil Ee Malcom.

Kooxda Barcelona ayaa si laableh saacado gudahood ugu soo gaba gabaysay saxiixa xidiga ree Brazil ee Malcom kaas oo xalay u duulayay AS Roma si uu tijaabada caafimaadka ugu maro laakiin sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay kooxda Camp Nou ka dhisan ayaa af-duub layaableh ku samaysay Malcom kaas oo ay hadda heshiiskiisa si rasmi ah ugu dhawaaqday.

Kooxda AS Roma ayaa xalay waqtigan oo kale ku dhawaaqday in ay heshiis la gaadhay Malcom isla markaana uu tijaabada caafimaadka u marayo laakiin 24 saacadood gudahood waxa uu hadda ka degay Camp Nou isaga oo noqday ciyaartoy Barcelona ah.

War saxaafadeed kooxda Barcelona ay ku shaacisay saxiixa Malcom ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Barcelona iyo Girondins de Bordeaux  waxay heshiis ka gaadheen la wareegista ciyaartoyga Malcom Filipe Silva de Oliveira. Hawlgalkani waxa uu qiimihiisu noqonayaa 41 milyan euros iyo hal milyan oo dheeraad ah oo isba-badali kara”.

Waxaana war saxaafadeedka Barcelona lagu sheegay muddada uu Malcom kooxdeeda joogi doono iyo heshiiska uu saxiixayo waxaana qoraalka lagu yidhi: ” Ciyaartoygu waxa uu kooxda u saxiixi donaa shanta xili ciyaareed ee soo socda oo ah ilaa dhamaadka xili ciyaareedka 2022/2013″.

Comments

comments

SHARE